Madaxweynaha Somaliland Oo Furay Cisbitaalka guud ee degmadda Sheekh

Sheekh (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xadhiga ka jaray cisbitaalka guud ee magaaladda Sheekh ee gobolka Saaxil. Kaasi oo ay iska kaashadeen dawlada Kuwayt iyo Somaliland.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu dhagax dhigay dhismaha gurigii martida ee degmada Sheekh oo ku burburay dagaaladii taliskii siyaad barre ku burburiyeen Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) hadal uu ka jeediyay furitaankii cisbitaalkaasi waxa uu sheegay inuu qeyb ka yahay qodobadii xukuumaddu balan qaaday inay ka hirgeliso gobolka Saaxil.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu u mahad celiyay dawladda Kuwayt oo uu tilmaamay inay gacan ka geysatay cisbitaalkaasi.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu balan qaaday inay dawladdu sii wadi doonto mashaariicda lagu horumarinayo adeegyada aasaasiga ah ee gobolka Saaxil.

Wasiirka caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Muxumed Maxamed oo isna ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay inuu hal ambalaas ku soo kordhin doono sadexdii ambalaas ee hore ay u lahayd degmada Sheekh.

Wasiirka Caafimaadku waxa uu ku dooday in cisbitaalkani uu wax weyn ka tari doono adeega caafimaad ee degmadaasi.

Madaxweynaha waxa socdaalkan ku weheliya Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde, Wasiirrada Madaxtooyadda, Caafimaadka, Hawlaha Guud, Waxbarashadda, warshadaha, Wasiir Ku xigeenadda wasaaradaha warfaafinta iyo caafimaadka.

Intaasi ka dib waxa weftiga madaxweynuhu u kicitimeen magaaladda Burco ee xarunta gobolka Tog-dheer, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com