Dalladda UNITA Oo Dood Cilmiyeed ku qabtay Burco

Burco (Somaliland.Org)-Dallada UNITA ayaa saaka tabababar iyo dood cilmiyeeed u furtay qaybaha ay bulshadu ka kooban tahay gaar ahaan qaybaha had iyo jeer ka cawda inaanay saami muuqda ku lahayn siyaasadda waddanka.

Xubnaha Dood cilmiyeedkan ka qayb galay ayaa ka kala socday Ururada Bulshada gaar ahaan , Haweenka, dhalinyarada, Naafada iyo Bulshada la hayb sooco.

Dood cilmiyeedkan oo ay maalgelinaysay Hay’adda Peace Academic isla markasna ay soo qabanqaabisay Dallada UNITA ayaa waxa ugu horeynba ka hadlay Maxamud Jaamac oo ah agaasimaha Dallada UNITA oo sharaxaad ka bixiyey ujeedada kulankani.

Intaas kadib waxa iyaguna fikradahooda iyo baaqyo isku mid ah halkaas ka soo jeediyey xubnihii doodan ka qaybqaadanayey,kuwaasoo sheegay in ay guud ahaanba BUlshada ugu baaqayaan in codka la siiyo Murashaxiinta ka soo jeedo afartaas qaybood ee maanta laga hadlayo, kuwaso ay sheegeen inaanay door muuqda ku lahayn siyaasadda Dalka Waxa kale oo ay sheegeen in dadka wax doortaa ay yihiin Dhalinyarada iyo haweenka oo bulsho kasta ka soo jeeda, haddana aanay iyagu isu codayn taaso ay ku tilmaameen nasiib darro iyaga haysata.

Gebogabadii kulankan ayaa logu baaqay dadka wax doorta inay codkooda siiyaan isla markaana qaybaha kala gadisan ee bulshadda sida Haweenka, Dhalinyarada, Naafada, iyo Beelaha la haybsooco, si ay cid waliba cid aftaqaana oo ay is fahmi karaan u hesho.

Waana markii ugu horeysay ee Barnaamij noocan oo kale ah ay qabato Dallada UNITA .

Mahad Faarax Cabdilaahi
Somaliland.Org/Burco