Wasiirka Madaxtooyadda oo Ingiriiska Dhaqaale u soo hooyay KULMIYE

Berbera (Somaliland.Org)- Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Xaaji Cali Xasan, ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu soo dhamaystay safar fasax iyo shaqo oo uu ku tagay dalka Ingiriiska.

Wasiirka oo galabta ka soo dagay madaarka caalamiga ah ee magaalada Berbera, ayaa waxa madarka Berbera ku soo dhaweeyay guddoomiyaha gobolka Saaxil, maareeyaha dekedda Berbera, iyo afhayeenka madaxtooyada.

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada oo ugu waramay saxaafada qolka nasashada ee madaarka magaalada Berbera ayaa wxa uu ka waramay ujeedada socdaalkiisa waxaanu sheegay mudadii uu joogay dalkaasi Ingiriiska in uu kulamo kala duwan la yeeshay jaaliyada reer Somaliland gaar ahaana mas’uuliyiinta xisbiga KULMIYE ee dalkaasi oo uu tilmaamay in ay 100 kun oo dollar kaga qayb qaadanayaan ololaha doorashada deegaanka xisbiga KULMIYE.

Wasiirka Madaxtooyadu isagoo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu ydihi “ walaal safar fasaxa ayaan ku maqnaa dalka Ingiriiska ayaan ku maqnaa fasaxaa yar ee kooban ee danahayaga ugu baxay markii hore mas’uulka qaranku wuu ku qasban yahay marka uu wadanka ka baxo wixii qabyo qaranka leeyahay ama dalku leeyahay ama dalkiisa uu kal kulmo inuu la wadaago oo wixii qabyo ee uu ka qaban karayana ka qabto, runtii intii aan maqnaa fasax ayaan qaatay markii hore hawlo badan ama shaqo dawlada ha noqo ama shaqo xisbigaygii aan kala shaqeeyo maadaama wakhti olale lagu jiro ayaan ka qayb galay,”ayuu yidhi Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Wasiirka madaxtooyadda oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Wakhtigii yaraa aan joogay waxaan kala qaybgalay jaaliyaha reer Somaliand shirar kala duwanaa, waxaan ka qaybgalay baarlamaanka oo ay ku lahaayeen jaaliyaddu kulan ay gudoonsiinayeen Xildhibaanadda Baarlamaanka UK ee u ololeeya Somaliland.”

“Waxaan si gaar ah uga qaybgalay oo waajib igu ah maadaama wakhti olale la joogo in xisbigayga uga ololeeyo Ingiriiska taageerayaashiisa, maadaama xaalada lagu jiraa tahay xilligii doorashada waxaan ku guulaysanay in si laxaadle ugu soo baxaan ugu diyaar garoobaan isugu diyaariyaan kuna balan qaadeen sidaad ka daawateen TV-yada boqol kun oo dolar ayay ku balan-qaadeen. reer UK oo labo gobol oo ah London iyo Biristool waxay bixiyeen boqol kun oo dollar,”ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyadda.

Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxa uu sheegay in lacagtani ay faa’iido u tahay xisbiga tallada haya ee KULMIYE, waxaanu yidhi “Cardif iyo gobolada kalena way ku wareegayeen boqolka kun ee doolarna waa faa’iido xisbigay u soo hayotay intii aanu jaaniska ka faa’iidaysanay iyo safarkaygii ayay ka dhalaray.”

Wasiirka Madaxtooyada waxa wax laga waydiiyay siduu u arko billad ay gudoon siiyeen dawlada Hoose ee degmada Tower Hamlet ee London, waxaanu yidhi “Waan ka gudoomay waxay I gudoonsiiyeen bilad sharaf, aniguna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska oo u ololeeya ayaan gudoon siiyay bilad sharaf aan ku maamuusnay qaran ahaan. Markaa bilad sharaftaydaasi waxay ahayd uun saaxiibadda Somaliland oo ku qancay xubinimadayda xukuumadda iyo bulshadda.”

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com