Wasiirka Madaxtooyadda oo dalka ku soo laabtay, kana war-bixiyay socdaalkiisii Ingiriiska

Berbera (Somaliland.Org)- Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay,ka dib markii uu muddo todobaad ah socdaal shaqo ku tagay dalka Ingiriiska.

Wasiirka Madaxtooyadda waxa Madaarka magaaladda xeebta ku taalla ee Berbera soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland oo ay ka mid ahaayeen Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), Maareeyaha dekadda Berbera Eng/ Cali Maxamed Xoor-xoor, Maareeye Ku xigeenka dekadda, Afhayeenka madaxtooyadda iyo Guddoomiyaha Ha’yadda ilaalinta tayadda agabka.

Wasiirku waxa uu shir jaraa’id oo uu ku qabtay qolka nasashadda ee madaarka Berbera kaga waramay socdaalkiisii Ingiriiska iyo kulamadii kala duwanaa ee uu la yeeshay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka UK iyo Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan wadankaasi.