Madaxweyne Siilaanyo oo Dhambaal tacsi ah u diray qoyskii Marxuum- Khaawi oo geeriyooday

Hargeysa (Somaliland.org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta dhambaal tacsi ah u diray qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Marxuum- MAXAMED MAXAMUUD KHAAWI oo ku geeriyooday dalka Maraykanka.

Sidaasna waxa lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo uu soo saaray Afhayeenka madaxtooyada Axmed SaLeebaan Dhuxul, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Eheladii, Qarabadii, Qoyskii, Asxaabtii iyo dhamaan Shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxay MARXUUM, MAXAMED MAXAMUUD KHAAWI oo ku geeriyooday Dalka Maraykanka.

Marxuumku waxa uu ka mid ahaa odayaashii, wax-garadkii iyo aqoon-yahankii sida weyn uga soo shaqeeyey nabad-gelyada iyo walaalnimada beelaha Somaliland, waxa uu ka mid ahaa dadka tusaalooyinka waxtarka leh ummada u sheega ee ku dayashada mudanaa.

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Eheladii, Qarabadii, Qoyskii, Asxaabtii iyo dhamaan Shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN”

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com .