Komishanka Oo Madaxweynaha Ka dalbaday inuu Talaabo ka qaado masuuliyiin ku milmay Ololaha Doorashadda

Hargeysa (Somaliland.Org)- Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa Madaxweynaha Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u diray qoraal ay kaga dalbanayaan inuu wax ka qabto wax ay ugu yeedheen masuuliyiin dawladeed oo ku milmay ololaha doorashada deegaanka.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu caawa soo saaray Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka Md. Ciise Yuusuf Maxamed (Xamari), waxaanu warsaxaafeedkaasi u dhignaa sidan:-

“Mudane Madaxweyne,
Waxa xushmad iyo maamuus noo ah inaanu halkan kuugu soo gudbino warbixin tafatiran oo ay komishanka doorahooyinka qaranka u soo gudbiyeen Gudida dabo-galka iyo habsami u socodka doorashooyinka.

Warbixintaasi oo sideeda isku fasiraysa waxa ay ka marag kacaysaa sida qaawan ee qaar ka mid ah masuuliyiinta dawladdu ugu xad-gudbeen xeerka hab-dhaqanka xisiyadda/Ururadda siyaasadda iyo wareeegtooyinkii uu Madaxweynuhu soo saaray ee mamnuucayay adeegsiga qalabka iyo hantida dawladda iyo in masuuliyiinta dawladdu ay ku milmaan xisbiyadda.Ururadda siyaasadda.

Sidaasi darteed, waxaanu Mudane Madaxweyne, si xushmad leh kaaga codsanaynaa inaad tallaabadda ku haboon ka qaadid.”

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com