Golaha Deegaanka ee Tower Hamlets oo Bilad Guddoon siiyay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo beryahanba booqasho gaaban ku joogay Dalkan Britain ayaa booqday Xarunta Golaha Deegaanka ee Degmada Tower Hamlets oo ku taalla Bariga magaalada London.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Safiirka wareega ee Somaliland Kaysar Cabdilaahi Maxamed, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Wasiirka waxaa si diirran u qaabilay xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka ee xaafada Tower Hamlets oo ay hor kacayeen Afhayeenka golaha deegaanka ee xaafadaasi Councillor Rajib Ahmed. (Speaker of Council) iyo Councillor Ahmed AdamOmer oo hore u ahaa Mayorka Xaafadaasi Tower Hamlet, isaga oo walibana ahaa Danjirihii hore ee Jamhuuriyada Somaliland u fadhiyi jiray dalkan UK.

Waxa uu Wasiirku madaxda xaafadaas ka dhegeystay warbixin ku saabsan guud ahaan deegaanka Tower Hamlets iyo adeegyada ay maamulku u fidiyaan dadweynaha xaafadaasi ku nool oo ay ka mid yihiin kumanaan qof oo reer Somaliland ah oo mudo boqolaal sanadood ku siman ku noolaa xaafadaasi.

Gebo-gebadii warbixintaas waxaa Afhayeenka Golaha deegaanka ee Tower Hamlets Xildhibaan Rajib Ahmed uu billad sharafeed qiimo badan guddoonsiiyay Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxaana ay shegeen in lasii xoojin doono xidhiidhka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada umadood iyo labada dal ee Somaliland iyo UK.

Xafladaas waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin kala duwan oo u dhashay Somaliland iyo madax kale oo ka socotay xaafada Tower Hamlets.“

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com