Burco: Murashaxii sadexaad oo maanta Iska casilay Ururka UMMADDA

Burco (Somaliland.Org)- Murrashax Nuux Yuusuf Ciise, oo ka mid ahaa Murrashaxiinta Urur-siyaasadeedka UMMADDA uga sharaxnaa degmadda Burco, ayaa maanta shaaca ka qaaday inuu iska casilay murashaxnimadiisii. Ka dib markii waxgaradka beeshiisu ku qanciyeen inuu u tanaasulo murashax kale oo ka sharaxan Ururka WADDANI.

Murrashax Nuux Yuusuf Ciise,oo shir jaraa’id ku qabtay Burco waxa uu tilmaamay inuu ka hadhay tartankii doorashada, waxaanu yidhi “Waxaan idiin sheegayaa inaan halkan ka cadeeyo inaan ka tanaasulay murashaxnimadaydii Golaha deegaanka degmadda Burco.”

“Waxaan u tanaasulay markii aan la tashaday waxgaradka beeshayda murashax Ciise Aadan Wayd oo ururka WADDANI uga sharaxan degmadda Burco,”ayuu yidhi Murashaxaasi ka hadhay tartanka doorashooyinku.

Nuux Yuusuf Ciise, waxa uu baaq u diray Taageereyaashiisii magaaladda Burco, waxaanu yidhi “Waxaan ugu baaqayaa taageereyaashaydii sharafta lahaa ee mudada dheer ila soo shaqaynayay inay codkooda iyo taageeradoodaba siiyaan Murashax Ciise Aadan Wayd.”

Murashax Ciise Aadan Wayd oo ururka WADDANI uga sharaxan degmadda Burco, ayaa si weyn ugu mahad celiyay murashaxan u tanaasulay, waxaanu xusay in sidaasi lagu go’aamiyay shirar ay beeshoodu kaga arrinsatay doorashada deegaanka ee dalka ka qabsoomi doonta 28-ka Bishan 2012-ka.

Waa murashaxii sadexaad ee iska casilay Ururka UMMADDA, kuwaasi oo laba murashax ay ahaayeen magaalada Burco, halka murashaxa kalena ahaa degmada Hargeysa.

Arrintani waxay caqabad ku tahay xamaasadii ololaha doorashadda ee Urur-siyaasadeedka UMMADDA.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com .