‘Reer Awdal wixii u kordhay waanu u haneynay, Anagana Ha Noo haneeya’

Mudaneyaasha Sool iyo Sanaag Bari oo Jawaab Ka Bixiyay Hadal ka soo yeedhay Xildhibaano reer Awdal ah oo Naqdiyay xukuumadda

Hargeysa, (Somaliland.Org)- Xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Guurtidda iyo Wakiilladda Somaliland, kana soo jeedda Gobolladda Sool iyo Sanaag ayaa Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ka difaacay eedo ay todobaadkan u jeediyeen Mudanayaal ka soo jeedda Gobollada Awdal iyo Salal oo ku jira Baarlamaanka dalka.
Xildhibaannadan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hotel Xaraf ee Magaaladda Hargeysa, ayaa ugu baaqay Mudanayaasha hore Xukuumadda eedaymaha ugu jeediyey inay u haneeyaan waxa Xukuumaddu ka qabatay gobollada bariga isla-markaana sugaan wakhtigooda.

Xildhibaannadan oo kala ahaa Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho) ., Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi, Xildhibaan Siciid Xuseen, Xildhibaan Cawil Cabdilaahi Caydiid, Xildhibaan Xuseen Cumar Axmed iyo Xildhibaan Xirsi Ciise Jaamac, ayaa si isku mid ah u soo bandhigay waxqabadka xukuumaddu ka fulisay Gobollada Awdal iyo Salal.

Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho, ayaa isaguna si adag uga naqdiyay hadalkii ka soo yeedhay xildhibaannada Awdal iyo Salal kaga jira Baarlamaanka, waxaanu tilmaamay in dhawaaqaasi uu ahaa mid dhibaato iyo ammaan daro ka abuuri kara Gobolladaa,i isla-markaana iska horkeeni kara, sababi karana dagaal sokeeye. “Reer Boorama waxaan leeyahay adeer la nama Xambaar?ne mark?? odayg?? id?nka ahaa joogay l?x kurs? ayuu naga qaaday, odayaal meel iska fadh?ya oo s?yaaro la s??yo ma n?h?n.” Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho waxa kale oo uu sheegay Xildhibaanada iyo Masuuliyiinta Dawlada kaga jira Gobollada dalku inay ka xishoodaan ummadda oo aanay dhibaato u horseedin.
Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi oo ka mid ahaa xildhibaannadii shirkaa ka hadlay ayaa tilmaamay in dareenka ay mudanayaasha kazoo jeeda Awdal Salal ka hadleen uu ahaa mid horeba uga jiray goleyaasha siyaasadda. “Xildhibaannadan waxa halkan isugu keenay, sidaad la socotaan dhawaan xildhibaanno ka kala sodca Awdal iyo Salal, ayaa waxay la hadleen ummadda, iyagoo u siimariyay warbaahinta, ujeedadoodii hore waxay ahayd inay la garnaqsanayaan dowladda, waxaa jiray taariikh hore oo ka dhaxeysay deegaannadaas bariga iyo deegaannada Awdal laakiin ay daboolka ka qaadeen dareen horeba u jiray oo ahaa in deegaannada Awdal aanay ogolayn in deegaanada bariga si toos ah u soo galaan xukuumadda gaar ahaan siyaaiyiinta, dareenkaasina waligii wuu dhex wareegi jiray goleyaasha siyaasadda.” ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi .

Xildhibaanku isagoo hadalka sii wata wuxuu yidhi “Xildhibanadaasi inay sidaa u hadlaan, waxa keenay saddex qodob ayaa ugu waynaa hadalkoodiina ku jiray midi waxa uu ahaa saami qaybsiga, midina waa mid hadalkooda ka dhex muuqday oo ahaa arrimaha dhaqaalaha oo ay ka hadleen 2% la siiyo gobollada bariga, mida saddexaadna waxa uu ahaa mid ku saabsan qaabka doorashada looga galo gobolladaa ay ku tilmaameen mid xaqdaro ah. Maadaama intaas oo qodob ay taabteen anaga oo aan jeclayn in hadalka warbaahinta laysku mariyo, markaa reer Awdal waxaan leeyahay wixii idiin soo kordha waanu idiin hanaynay ee anagana wixii noo soo kordha noo haneeya.”

Xildibaan Siciid Xuseen, oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland ayaa hadalkiisa ku bilaabay./ “Waxa jirtay beryahan in la caadaystay wax yaabo bulshada iska horkeenaya oo carqalad ku ah nabadgalyada oo ka soo yeedhay rag xildhibaano ah. Waxaaan leeyahay xildhibaanadaas inay masuuliyadooda ku ekaadaan maaha in wax nabadgalyo xumo iyo iska horkeenaya umada caadaystaan, waxaanan u soo jeedinayaa inay ku sifoobaan magaca xildhibaan iyo u jeedada ay xambaarsan yihiin.”

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa