Madaxweyne Obama Oo Mar Labaad ku guulaystay Madaxtinimadda Maraykanka

Washington (Somaliland.Org)- Madaxweyne, Barack Obama, ayaa mar labaad ku guuleystay xilka madaxtinimada dalka Mareykanka, waxa uu helay in ka badan codadkii loo baahnaa ee Electoral isaga oo helay 303, halka musharraxa la tartamaya ee Xisbiga Jamhuuriga Mitt Romney uu helay 206.


Musharraxa Xisbiga Jamhuuriga, Mitt Romney ayaa oggolaaday in laga guuleystay, waxa uu sheegay in uu telefonka kula hadlay uguna hambalyeeyay Madaxweynaha la doortay Barack Obama, oo mar labaad xafiiska loo dhaarin doono bisha January ee sanadka cusub 2013.

Romney waxa uu u mahadceliyay taageerayaashiisa, isaga oo sheegay in xilli adag uu ku jiro dalka, loona baahan yahay in si wadajir ah hoggaamiyeyaasha dalku u shaqeeyaan.
Madaxweyne Obama ayaa isna ka jeediyay khudbaddii guusha xarunta Xisbiga Dimuqraadiga ee Chicago.

Obama iyo Biden iyo labadooda xaas oo isku hambalyeynaya

Waxa uu ammaanay dhamaan dadka Mareykanka ee u soo baxay inay codeeyaan. Waxa uu sheegay in ay u codeeyeen in ficil la sameeyo, laakiin siyaasad aanay u codeyn, waxa uu balanqaaday inuu wax ka qaban doono dhibaatada dhaqaalaha.
Obama waxa uu ku tilmaamay kooxdiisa ololaha u waday inay ahayd tan ugu wanaagsan siyaasadda. Waxa uu ammaanay xaaskiisa Michelle Obama iyo labadiisa gabdhood.

Waxa kale oo uu ammaanay Mitt Romney, oo uu sheegay inuu rajeynayo in uu la fariisto Romney oo ay ka wada hadlaan gacanta uu ka geysan karo, sidii waddanka horey loogu sii wadi lahaa.
Madaxweyne Obama waxa uu ku guuleeystay Gobollada aadka la isugu hayay sida Ohio, Wisconsin iyo New Hampshire.
Malaayiin qof oo Mareykan ah ayaa codkooda ka dhiibtay doorashada Madaxtinimada oo ay ku tartamayeen Madaxweyne Obama oo ka socday Xisbiga Dimuqraadiga iyo Musharraxa Xisbiga Jamhuuriga Romney.
Ololahan doorashada madaxtinimada ayaa ah kii ugu adkaa, isla markaana ay ku baxday lacagtii ugu badneyd taariikhda waddanka Mareykanka.

Labada nin ayaa mid walba waxa uu galay olole xooggan

Inta badan ra’yiga dadka laga aruuriyay ee gobollada aadka loogu loolamay ayaa muujinaya in Obama uu xoogaa yar ku horeeyay tartanka loogu jiro aqalka cad ee looga taliyo dalka Mareykanka.

Madaxweyne Obama ayaa ku eedeynayay in Mr Romney uu dalka uun dib u dhigi doono. Mitt Romney ayaa isna waxa uu ku celcelinayay in siyaasadaha Madaxweyne Obama ay fashilmeen.

Labada nin ayaa mid walba waxa uu galay olole aad u weyn iyaga khudbado u jeedinayay taageerayooda gobollada kala duwan ee dalka.Waxaa kale oo oo la dooranayay Guddoomiyeyaasha 11 gobol, saddex meelood kuraasta boqolka xubnoo ee Senate-ka Mareykanka iyo 435 kursi ee Aqalka wakiillada.

XIGASHO: BBC-Somali