Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Wakiiladda oo Farriin u diray Axsaabta iyo Komishanka

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiye ku -xigeenka 2aad ee golaha wakiilada Jamhuuriyada Somaliland Dr. Cali Aw Yuusuf Axmed ayaa ugu baaqay ururrada iyo axsaabta ku tartami doona doorashada deegaanka inay ku qancaan natiijada ka soo baxda doorashada.

Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee golaha wakiilada Cali Aw Yuusuf Axmed waxa uu sheegay inay waajib tahay in lagu wada qanco oo aan laga dabo hadal natiijada ka soo baxda doorashada golaha deegaanka ee la filayo inay qabsoonto 29-ka Noofambar ee sanadkan aynu ku jirno, waxaanu Komishanka u soo jeediyay in goobaha doorashadu ka dhacayso ay geeyaan dad lagu kalsoon yahay.

Dr. Cali Aw Yuusuf Axmed waxa uu sidan ka sheegay mar uu shalay u waramayay wargeyska Dawan waxa uu tilmaamay in ololaha doorashada deegaanka ee bilaabmaysa aanu ku wanaagsanayn wax buuq dhalinaya iyo kharash faro badan.

Dr. Cali Aw Yuusuf Axmed, isagoo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi. “Waxa ololuhu ku wanaagsan yahay si asluub leh oo anshax leh inuu noqdo waxyaabo faro badan oo buuq dhalinaya oo kharash faro badan ugu kacayo ururrada iyo xisbiyada ayaa jira, laakiin aan faa’iido u lahayn waxa ka mida basas faro badan iyo gaadiid faro badan oo ay soo kiraystaan kolkaasaa dhalinyaro lagu soo qaadaa, kolkaa buuqani ma aha mid u adeegaya dadkii kharashka bixiyay iyo ururkii ku dadaalayay in dadkaasi soo baxaan oo u haysta in taageerayaashiisa yihiin waxa ka faa’iido badan in ururrada iyo axsaabta ay shirarka ku qabsadaan xafiisyadooda degmooyinka iyo xaafadaha, halkaasoo uu ku siiyo musharaxu barnaamijkiisa iyo wixii uu u baahan yahay wuxu qaban doono sidii loogu codayn lahaa.”

“Waxay ila tahay inay ku dhaqmaan ururrada iyo axsaabtu talooyinkaasi waxa kale oo aan soo jeedin lahaa doorashadani ma aha tii u horaysay ee aynu qabano, waa tii lixaad ee aynu galno, markaa waayo-aragnimo faro badan ayaa jirta, waxay ila tahay kolkaa maalinta doorashada ay dhacdo 28-ka November inay si nabadgelyo oo qurux badan ay u dhacdo, dadka dimuqraadiyada aynu kaga dayanayno ee ila baxda ah haddii aad tidhaahdo hebeloow yaad u codaynaysaa ma sheegaan, waxa yidhaahdaan sanduuqa ayaan u sheegaynaa meesha aan u codaynayno,”ayuu yidhi Guddoomiye Ku xigeenka wakiiladdu.

Md. Cali Yuusuf oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Kolkaa in buuqa la daayo nin waliba meesha uu doonayo uu u codeeyo. Natiijadana halkaa ka soo baxdana waxay ila tahay waajibna ah in lagu wado qanco oo aan laga dabo hadlin Komishanku way dhaarsan yihiin l. Komishankana waxaan u soo jeedin lahaa dadka goobaha way faro badan yihiin meel kasta Komishanka shaqaalihiisa ayaa jooga dad u ehela oo lagu kalsoon yahay inay meel walba dhigaan oo dhaarsan inay dhex dhexaad u noqonayaan ururada iyo axsaabtaba goobjoogayaal waa in ay meesha jiraan si daahfuran waa inay doorashadu u dhacdo.”

Waxa kale oo uu sheegay guddoomiye ku xigeenka 2aad ee golaha wakiilada in aanay wax saamayna ku yeelan doonin wada hadaladii u furmay Jamhuuriyada Somaliland iyo Soomaaliya magacaabista xilka wasiirka arrimaha dibada iyo raysal-wasaare ku xigeenka kowaad Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland.

“Horta Soomaaliya labo dawladood ayaynu kala nahay iyagu xor bay u yihiin wixii jagooyinka wasiirrada iyo dawladooda u dhiibanayaan. Sidaynu inagu xor ugu nahay in aynu madaxweynaheena doorano baarlamaankeena dhisano, kolkaa labo dal oo jaara oo walaala ah ayaan nahay,”ayuu yidhi Guddoomiye Ku xigeenka labaad waxaanu intaasi ku daray “ Wada hadal ayaa noo bilaabmay labadayada dhinaca waxaanan rajaynayaa waxba ka badali mayso cidii ay iyagu wax ka dhiganayaan. Iyaga ayay jirtaa mawqifka Somaliland wuu cad yahay oo waxa weeye madaxbanaani taama in aanu helno,”ayuu hadalkiisii ku soo gunaanaday Cali Yuusuf.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com