Murashaxa madaxweynaha UCID oo khudbad u jeediyay Taageereyaashooda Burco

Burco (Somalialnd.Org)- Wefti ka tirsan Xisbiga UCID oo uu hugaaminayo musharaxa Jagadda Madaxweynanimo ee xisbigaasi Jamaal Cali Xuseen oo gaadhay magaalada Burco ayaa maanta taageerayaasha UCID ee gobolka Togdheer iyo musharaxiintiisa kala qaybgalay banaanbaxa kaambaynka doorashada golaha deegaanka Degmadda Burco oo ay maanta Wacdaro ka dhigeen.

Masuuliyiintan sar sare ee Xisbiga UCID ee uu horkacaayay Jamaal Cali Xuseen ayaa taageerayaashooda gobolka Togdheer oo ay kula hadleen Sayladda Xoolaha Burco oo ay maanta taageerayaasha ururkaasi banaanbax balaadhan ka sameeyeen ku booriyay in ay codkooda isla garabtaagaan musharixiinta golaha deegaanka Degmadda Burco si uu Xisbigoodu u guulaysto isla markaana uu ka mid noqdo Sedexda Xisbi Qaran ee soo hadhaaya.

“ Walaalayaal waxaad na tusteen taageerada uu Xisbiga UCID ku haysto magaalada Burco ,waana mid aan la dafiri Karin waxaaney na galasisay rajo weyn ,waana mid Xisbiga soo saari-doonta ,walaalayaal waad ogtihiin in maanta Xisbi lagu dagaalamaayo xisbigii soo bixi-lahaa ,waxaananu usoo xulay magaalada Burco musharaxiin qiimo iyo qaayo leh oo dad wanaagsan ah ,balankeenuna waxa weeye waa in aynu musharixiinta soo saaraa waa in aynu Xisbiga soo saaraa ,waaney cadahay in uu Xisbiga UCID ka midnoqon-doono Sedexda Xisbi qaran ee soo baxa waxaanu xisbigu taageero ka haystaan bulshada reer Somaliland Bari ilaa Galbeed “ ayuu yidhi musharaxa Jagadda madaxweynaha u taagan ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo la hadlayay taageerayaashiisa Burco.


Waxaanu sheegay inuu u mahad celinayo Taageereyaashooda gobolka Togdheer.

Sidoo kale Xoghayaha arimaha gudaha ee Xisbiga UCID Cabdi Maxamuud Saleebaan (Mingiste) oo isna halkaasi kala hadlay ayaa ku hambalyeeyay taageerayaasha Xisbiga UCID ee xarunta gobolka Togdheer ee Burco wacdaraha ay ka muujiyeen banaanbaxii maanta .

Geesta kale qaar ka mid ah musharixiinta golaha deegaanka Burco uga sharaxan Xisbiga UCID ee ugu miisaanka badan ayaa taageerayaashoodu magaalada Burco ,gilgileen kuwaasi oo ka mid ahaayeen musharax Enj. Cabdirisaaq X. Xuseen Faarax (Janaale) ,Musharax Fu’aad Cali Xuseen ,musharax Mustafe Cismaan Cabdi ,Musharax Cabdikariin Jaamac Cawaale iyo Musharax Marwo Farax Cumar Yuusuf .

Mahad Faarax Cabdilaahi
Somaliland.Org/Burco