Dawladda Hoose ee Hargeysa oo xadhiga ka jartay wadada 150-ka

Hargeysa (Somaliland.Org)-Dawladda Hoose ayaa maanta xadhiga ka jartay wadada isgayska ilaa 150ka.

Guddoomiyaha Degmada Ibraahim Koodbuur Maxamed Salaan Maxamed (Subeer) oo ka wakiil ah Maayarka caasimadda ayaa xadhiga ka jaray wadada 150-ka oo muddooyinkii u dambeeyay dhisme ka socda, kaasoo ay iska kaashadeen dadweynaha xaafadaha ay martay iyo Dawladda Hoose.

Ugu horayn waxaa xaflada xadhig ka jarista ka hadlay guddoomiyaha Degmada Ibraahim Koodbuur Maxamed Salaan Maxamed (Subeer) waxa uu sheegay in wadadani ay soo saartay marxalado badan maanta uu aad ugu faraxsan yahay in uu xadhiga ka jaro.

Waxa kale oo uu Guddoomiyuhu sheegay in wadooyin kale oo ay xaafadu aad ugu baahan tahay ay wali jiraan dadweynaha iyo cid kasta oo gacan ka geysanaysa loo baahan yahay.

Waxaa isna halkaa hadal kooban ka jeediyay Eng. Cabdi-khadar Cabdilaahi Cali oo ahaa qaybta dhismaha wadooyinka ee Dawladda Hoose, waxaanu yidhi “Kaalmaha ay Dowlada Hoose iyo dadweynuhu ku kala lahaayeen dhismaha wadada xaafada Xero Awr ee isgayska ilaa 150-ka, marka isgoyska ilaa 150-ka laga bilaabo ah 780 mitir ah, waxay ahayd mid aan la arki karin, waxaanay wadadani ku jirtaa mashaariicda ay naga taageerto hay’adda DAI, Dawladda Hoose iyo dadweynuhuna waxay bixiyeen daamurka iyo jayga dhammaan waxaan halkan uga mahad celinayaa intii nagala hawlgashay dhismahaa wadadaa oo ay kaw ka yahay injineerka Shirkadda Cali Warsame Caasha Cali Warsame iyo Amiin oo ka wakiil ah hay’ada DAI.

Waxaa kale oo isna halkaa ka hadlay madaxa mashaariicda Dawlada Hoose Maxamed Haybe Guuleed, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii. “Tani maaha wadadii u horaysay ee xaafada ee ay Dawladda Hoose iyo Dadweynuhu iska kaashadaan, noqon mayso tii u dambeysay, waxaan si aad ah ugu mahad celinayaa dadweynaha xaafada oo aanay laantooda waxba suurogaleen, wadadan waxaa iska kaashaday Dawladda Hoose iyo dadweynaha sidii aanu hore u sheegnay hay’adan waxoogaa ayay bixisay, Ilaahayna waxa aan ka baryaynaa in wadadu noqoto mid khayr inoo keenta.”

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com