Wasiirka Khaarajiga oo Ka hadlay Kulamo uu la yeeshay Wasiirka Khaarajiga Itoobiya iyo danjireyaal

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa ka waramay kulamo uuAddis-ababa kula yeeshay Wasiir khaarajiga cusub ee Itoobiya Mr. Berhane Gebrekristos iyo saraakiil ka tirsan wasaaradaasi.

Wasiirka Arrimaha dibada Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo u waramayay shabakada wararka ee Somaliland.Org, waxa uu sheegay inuu kulamo lagu dar-dar gelinayo iskaashiga labada dal uu la yeeshay madaxda Itoobiya, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Socdaalkaygii Itoobiya waxa u jeedada ugu weyni ay ahayd inaanu kulamo la yeelano madaxda Itoobiya oo aanaan mudadii uu Raysal wasaaraha cusub Haile Mariam Desalegn la dhaariyay aanaan wax shirar ah la yeelan. Sidaasi darteed waxaan la kulmay Wasiirka cusub ee Khaarajiga Itoobiya Mr. Berhane Gebrekristos.”

Wasiirku wuxuu intaasi ku daray “Waxaanu Wasiirka Khaarajiga isku waafaqnay in la sii xoojiyo xidhiidhka labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhinaca ammaanka, siyaasadda iyo ganacsiga. Waxaanu faaqidnay sidii cilaaqaadka Ganacsigu u noqon lahaa mid labada dalba midba wax ka tagaan oo isweydaar ah.”

Wasiirku waxa kale oo uu tilmaamay inuu Addis-ababa kula kulmay qaar ka mid ah danjireyaasha wadammadda reer galbeedka oo uu tilmaamay inuu uga waramay xaalada guud ee Somaliland iyo doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ee wadanka ka qabsoomi doonta 28-ka Bishan November 2012-ka.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com