Ururka Rays Oo Maanta Magalada Burco Ku Soo Bandhigay Cudud Tagero Oo Aad U Tiro Badan

Burco(Somaliland.Org)-Urur siyasadadeedka RAYS ayaa maanta magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ku soo bandhigay cududiisa taageero ,taasi oo aad u xooganayd.

Kumanaan ka tirsan taageerayasha ururka Rays oo lulaaya astaamaha ururkaasi leeyahay iyo sawiradda musharixiinta golaha deegaanka Burco ayaa Saaka subaxnimadkii hore gabi-ahaanba buuxdhaafiyay Khayriyadda weyn ee magaalada Burco halkaasi oo ay isugu soo baxeen Kumanaan ka tirsan taageerayaasha ururkaasi .

Guuddoomiyaha gobolka Togdheer ee ururka Rays Cabdikariin Muraad oo ugu horeyn halkaasi kala hadlay ayaa tageerayaasha ururkaasi ku booriyay inay halkaasi ka sii wadaan tageerada ay u hayaan ururkooda isla markaana waxa uu ku adkeeyay in ay codkooda siiyaan 21-ka musharax uu degmadda Burco uga sharaxan ururka Rays oo uu xusay in ay khibrad dheeriya u leeyihiin xilka ay u taaganyihiin .

Guddoomiyaha Golaha dhexe ee urursiyasadedka RAYS Khaliif Maxmed Warsame (Khaliif Xiinwaal) oo isaguna banaanbaxaasi taageerayaashooda qudbad kala gadisan ka jeediyay ayaa sheegay ururkoodu in uu la dagaalami-doono shaqo la’aanta iyo jahliga wadanka ka jira ,waxaanu ugu baaqay taageerayaashooda in ay codkooda isla garabtaagaan ururka sidii uu u guulaysan lahaa .

Musharixiinta golaha deegaanka degmadda Burco ee ururka Rays oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa soo bandhigay ,hadii ay ku guulaystaan doorashadda golaha deegaanka Burco ,barnaamijkooda siyaasadeed ee ay ku horumarindoonaan baahiyaha bulshada ee Burco.

Mahad Faarax Cabdilaahi
Somaliland.Org/Burco