Ururka RAYS oo Cagafyo ugu deeqay Afar Degmo Iyo Banaan-baxyadii Taageereyaashooda Hargeysa

Hargeysa (Somaliland.Org)- Taageerayaasha Urur Siyaasaddeedka Rays ayaa maanta Fagaaraha Beerta Xorriyada ee magaalada Hargeysa ku soo bandhigay cududda taageero ee ay u hayaan Ururka Rays.

Sidoo Kale Guddoomiyaha Ururka Rays Xasan Maxamed Gaafaadhi ayaa madashaas ku guddoonsiiyay furayaasha siddeed Cagaf oo uu ugu deeqay qaar ka mid ah degmooyinka Somaliland.

Ugu Horayn waxa taageerayaasha hadal ujeediyay guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex ee Urur Siyaasaddeedka Rays Cabdirisaaq Ismaaciil Maxamed (Kildhi), isagoo mahad-naq balaadhan ujeediyay dhamaan taageerayaasha Ururka Rays, sidoo kale waxa uu si gaar ah ugu mahad-naqay murashixiinta Ururka Rays oo uu sheegay inaanay la’aantood waxba suurtogaleen, isagoo ku tilmaamay inay yihiin adimada uu Ururku ku talaabsado.


Caasimada Somaliland ee Hargeysa oo ka mid ahayd goobaha uu ururku ku muujiyey awooddiisa ayaa waxa kale taageerayaashaas la hadlay Xoghayaha guud ee Ururka Rays waxaanu sheegay inay u taagan yihiin horumarinta dhalinyarada iyo dalka oo dhan.

Guddoomiye ku-xigeenka Ururka Rays Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare) oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay inuu rajayno in ururku noqdo kii ku soo baxa doorashada, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Ururka Rays wuxuu u taaganyahay taageerada danyarta bulsho waynta Somaliland Illaahay idankii waxaan rajaynaynaa inuu Ururka Rays noqdo kii soo baxa, Ururka Rays waxa keliya ee maanta u hadhay waa wakhtiga oo keliya wuu kusoo bixi doonaa xisbi, haddii Illaahay yidhaahdo murashxiinteenuna way guulaysan doonaan Illaahay Idankii.”

Gaba-gabadii munaasibadaas waxa hadal ka jeediyay guddoomiyaha Urur Siyaasaddeedka Rays Xasan Maxamed Cali (Xasan Gaafaadhi) waxaanu taageerayaasha u sheegay inay soo xuleen xildhibaanno u taagan doorashada golaha deegaanka oo ay ku rajo wayn yihiin inay wax badani ka soo baxaan, waxaanu yidhi isagoo arrimahaas ka hadlaya “Waxa halkan ila jooga 25 Xildhibaan oo xul ah oo soo saftay inay u baratamaan golaha deegaanka ee degmada Hargeysa, anaguna aanu ku rajo waynahay wax badanina ay kasoo bixi doonaan dhamaantoodna ay yihiin rag u qalma Xildhibaan kaliya maahee guddoomiyaha Degmada Hargeysa,”

“Ururka Rays waxa weeyaan Urur daljoog ah waa Urur intii aynu Somaliland ahaynba halkan dadkiisu ay joogeen, dareensan dhibaatadiina, dareensan wixii aad soo marteen, taagnaa oo ogaa wixii taariikh ah ee halkan ka dhacay, si fiicana, haddaanu Xisbi usoo gudubno aanu jecelnahay inaanu muujino si aanu baahiyaha wax uga qabano.”
guddoomiyaha Rays ayaa sheegay inay degmooyinka Allay-baday, Arabsiyo, Geed-balaadh iyo Gabiley ay ugu deeqeen min hal cagaf oo kuwa beeraha lagu qodo ah, isla markaana ay tahay mid ay ugu tallo-galeen horumarka beeraha.

“Halkan waxa ka muuqda afar Cagaf waxa uu ururku ugu deeqay degmooyinka kala ah Arabsiyo, Gabiley, Geed-balaadh, iyo Allay-baday, Waxa kale oo iyagana la rakibayaa oo ay hawshoodu socotaa Afar kale oo iyagana ururku ugu deeqay deegaanka Xagal, Degmada Qolujeed ee Gobolka Awdal, Salaxlay iyo Degmada Ceel-afwayn, waxaanu jecelnahay, haddaanu xisbi usoo gudubno inaanu ka baahi tirno dadwaynaha baahiyaha ay u qabaan inay beero qotaan oo ay wax la soo baxaan.” ayuu yidhi Xasan Gaafaadhi Guddoomiyaha Ururka Rays.

somaliland.Org/Hargeysa