Murrashax Ururka UMMADDA Iska casilay Oo Ku Biiray WADDANI

Burco (Somaliland.Org)- Maxamed Aadan Foolge oo ka mid ahaa murrashaxiinta urur-siyaasadeedka UMMADDA uga sharraxnaa doorashada golaha degaanka ee degmadda Burco, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay khamiistii inuu iska casilay murrashaxnimadiisii, kuna ururka WADDANI.

“Waxaan ahaa murashax ka tirsanaa ururka-siyaadeedka UMMADDA, waxaanan u digarogtay ururka WADDANI. Soomaalidu waxay ku maahmaahadaa ‘Xaajo nin la toosan ayaa nina la qalloocan.’ Inaadeerkay Gabboose xaajadii aniga ila toosnayd ayaa isaga tuur la yeelatay, isagana tii la toosaynd ayaa aniga tuur ila yeelatay, waxaanan arkay reerkaygii oo kala jabaya, taasna ma doonayo in ay naanays igu noqoto oo la yidhaa waa kaa ninkii kala jabiyey reerka.

Waxaan u tanaasulay inaadeerkay Xirsi oo ah murrashax ka sharaxan ururka WADDANI oo aan la shaqaynayaa, aniguna waan ka tanaasulay murrashaxnimadaydii,” ayuu yidhi Mr. Foolge oo hadal ka jeediyey xaflad soo dhoweyn ah ururka WADDANI ugu sameeyey shalay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.

Xafladda loo sameeyey soo dhoweynta murrashax Foolge, waxa ka qaybgalay masuuliyiinta urur-siyaasadeedka WADDANI ee Gobolka Togdheer, cuqaal, xildhibaanno iyo waxgarad kale.

Chief-caaqil Cabdi Cali oo halkaas ka hadlay ayaa waxa uu yidhi; “Dhaamman dadweynaha waxaannu ogaysiinaynaa inuu yahay murrashaxa golaha degaanka Burco ee Beesha Badhubahante Mr, Xirsi Jaamac Cabdi (Indho), isla markaana uu u tanaasulay Maxamed Aadan Foolge, waanu ku mahad san yahay tanasulkaas.”

Mr. Jaamac Sidiiq oo ka mid ah masuuliyiinta ururka WADDANI ee Gobolka Togdheer, ayaa isaguna si weyn u soo dhoweeyey go’aanka murrashaxaas, “Annagoo ah urur-siyaadeedka WADDANI waxaannu halkan ku soo dhaweynaynaa murrashax ka mid ah murrashaxiinta degaanka Burco iyo taageerayaashiisa oo ka tirsana ururka UMMADDA, kuwaas oo muddo dheer hawl badan iyo talo badan go’aansaday in ay xilkii murrashaxnimo ee urur-siyaasadeedka UMMADDA ka tanasulaan, kuna soo biiran WADDANI,” ayuu yidhi Mr. Sidiiq.

Guddoomiyaha ururka WADDANI ee Gobolka Togdheer Mr. Xuseen Kaahin, xildhibaan Jaamac Xasan Aadan iyo Cabdirisaaq Axmed Toor, ayaa iyaguna dhammaantood sheegay inay gacmo furan ku soo dhawaynayaan Maxamed Aadan Foolge, uguna hanbalyeynayaan go’aanka uu gaadhay.

Qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka beeshaas ayaa iyaguna madashaas ka caddeeyey inay si buuxda u taageersan yihiin go’aanka uu qaatay murrashax Maxamed Aadan Foolge.

.
Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com