Urur siyaasadeedka DALSAN oo banaan-baxyo ka sameeyay dalka

Hargeysa (Somaliland.Org)- Urur Siyaasadeedka Dalsan ayaa maanta gobolada iyo degmooyinka dalka ka sameeyay Ololaha tartanka Doorashada Golayaasha Deegaanka.

Urur Siyaasadeedka Dalsan oo maanta u lahaa ololaha doorashada golaha deegaanka ayaa hogaanka Ururkaasi waxay taagerayaashooda kula hadlay xarunta beerta xoriyada ee magaalada Hargeysa.

Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Dalsan Inj Ismaaciil Aadan Cismaan oo hadal u jeediyay kumanaan ka mid ah taageerayaasha Urur Siyaasadeedkan ayaa xusay inay bulshada Somaliland u soo bandhigeen Murashixiin ay ku soo Xuleen Aqoon,Daacadnimo iyo dal jacayl.

Waxa uu Gudoomiyaha Ururka Dalsan ka dalbaday Shacabka ku nool Caasimada Wadanka ee Hargaysa iyo Guud ahaan Gobolada kala duwan ee Somaliland inay Ururkan ku taageeraan sidii uu uga mid noqon lahaa Sadexda Xisbi Qaran ee dalku yeelan doono.
Waxa kale oo Madashaasi khudbado ka soo jeediyay Shan iyo Labaatanka Murashax ee Urur Siyaasadeedka Dalsan uga qayb qaadanaya doorashada golaha deegaanka ee caasimada hargaysa kuwaas oo ka waramay meelaha ay diirada saari doonaan hadii ay ka mid noqdaan xubnaha Golaha Deegaanka.

Afhayeenka Ururka Dalsan Cabdikariin Cabdilaahi Xaashi Cilmi oo isna hadal ka jeediyey fagaaraha beerta xorriyadda ayaa ugu baaqay dadweynaha Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland inay si deganaansho ah codkooda u dhiibtaan isla markaana ay u codeeyaan taageerayaasha urur siyaasadeedka Dalsan.

Geesta kale Murashax Ilyaas Xuseen Jaamac oo ka mid ah Murashixiinta uga qayb galaya Urur Siyaasadeedka Dalsan Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargaysa ayaa maanta xafiisyo uu Ururku leeyahay ka furay xaafado ka mid ah caasimada dalka ee Hargaysa.
Sidoo kale, taageereyaasha urur siyaasadeedka DALSAN ayaa banaan baxyo ka sameeyay magaalooyinka waaweyn ee dalka sida Burco, Boorame, Ceerigaabo, laascaanood iyo Gabiley.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
Cumarmfaarax@hotmail.com