Komishanka Oo Magacaabay Guddi Kor-joogtada habsami u socodka doorashada

Hargeysa (Somaliland.Org)- Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen waxa ay ku magacaabeen Labaatan Xubnood oo noqonaya Gudida Daba Galka iyo Habsami u socodka Doorashada.

Qoraalkan oo ay si Wada jir ugu saxeexan yihiin Todobada Xubnood ee Komiishanka Doorashooyinka Qaranka,waxaa lagu sheegay
markii uu Komiishanka Doorashooyinka Qaranku arkay Qodobka 22aad ee Xeerka Hab dhaqanka Xisbiyada Siyaasada.
Markuu arkay: Baahida loo qabo in la abuuro Guddi heer Qaran ah oo daba gal ku samaysa ku dhaqanka Xisbiyada iyo Ururada Siyaasada ee Xeerka anshaxa doorashada.

Markuu arkay: In hawsha baaxadaas leh ay ka soo bixi karaan oo keliya duqayti iyo aqoon yahano magac iyo Sumcad ku leh bulshada dhexdeeda,isla markaana Xog ogaal u ah duruufaha ku xeeran qabsoomida doorasho Xor iyo Xalaal ah,
Markuu Tixgeliyay: Aqoonta iyo Waayo aragnimada Xubnahan,wuxuu Magacaabay Gudida Daba galka iyo Habsami u socodka Doorashada,kuwaas oo u kala baxaya sidatan.

(A) Xarunta Dhexe (Heer Qaran)
1. Dr Aadan Yuusuf Abokor
2. Axmed Maxamed Cadaad
3. Cabdi qaadir Cali Dube
4. Nuur Axmed Ibraahin
5. Cabdi Yuusuf Aar
6. Canab Abiib Daahir
7. Mubaarik Ibraahin Aar
8. Suldaan Naasir Cabdi Ismaaciil
(B) Xarumaha Gobollada
1. Cabdi Qaadir Carab Warsame “Maroodi jeex”
2. Maxamed Xuseen Cismaan Mu’adinka “Maroodi jeex”
3. Yaasiin Ibraahin Magan “Awdal”.
4. Xasan Xirsi Suge “Awdal”
5. Cabdi Siciid Aadan “Saaxil”
6. Maxamed C.raxmaan Maxamud “Saaxil”
7. Saado Xaashi Cawad “Togdheer”
8. Yuusuf Jaamac Siciid “Togdheer”
9. Cali Axmed Cabdi (Cantar” “Sool”
10. Ismaaciil Sulaymaan Yuusuf “Sool”
11. Cismaan Cabdi Shabeel “Sanaag”
12. Cali Cabdi Hure “Sanaag”

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
Cumarmfaarax@hotmail.com