Gudida Anshaxa Ololaha doorashada Oo Badhasaabadda ku eedeeyay inay ku milmeen xisbi xaakimka

“Way Cadayd oo way muuqatay in Badhasaabada goboladdu ku milmeen ololaha”

Hargeysa (Somaliland.Org)-Gudida kor-joogtada anshaxa ololaha doorashada Deegaanka, ayaa uga digay badhasaabadda iyo Maayarradda dalka inaanay ku milmin siyaasadda. Sidaasna waxa uu ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Hargeysa.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inaan hantida ummadda loo adeegsan karin ololaha doorashada,isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Hantida iyo addeegyada Qaranka, waa loo siman yahay ama xisbul xaakim ha ahaado ama urur gaar ah looma adeegsan karo hantida Qaranka”

Guddoomiyuhu waxa uu uga digay Badhasaabadda iyo Maayarradda dalka inaanay ku milmin siyaasadda, waxaanu sheegay in qaar ka mid ah Badhasaabadu ay u olaleeyeen xisbiga KULMIYE, waxaanu yidhi “Xalay way cadayd oo way muuqatay in badhasaabada goboladdu ku milmeen ololaha oo way ka hadlayeen oo xisbul xaakimka ayay u ololeeyeen, taasi waa xaaraan magaca lamana ogola,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Gudida anshaxa ee doorashada Goleyaasha deegaanku,

Mr. Axmed Maxamed (Cadaad) waxa uu intaasi ku daray “Qofkii ku dhaqma ee si toos ah loogu helo ciqaab baa la marinayaa, badhasaabada iyo Maayarrada goboladu haddii ay ka tanaasuli waayaan arrimaha noocaas oo kale ah xeer ciqaabaadbaa laga soo saarayaa”

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
Cumarmfaarax@hotmail.com