Badhasaabka Awdal Oo Qoonsaday Hubkii Taliska Boolisku sheegeen in lagu qabtay Boorame

Boorame (Somaliland.Org)- Badhasaabka Gobolka Awdal Axmed Xadi Sidci ayaa shalay si kulul u beeniyay hadal habeen hore ka oo yeedhay Taliska ciidanka Booliska Somaliland oo sheegayay in Magaalada Boorame lagu qabtay hub sharci darro ah.

Badhasaabku wax a uu sidaasi ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa waxaanu carabaabay Hadalkii Taliyaha Booliska Somaliland argagax ku beeray shacbiga gobolka Awdal.

“ Hubkani oo ay tiradoodu dhamayd 200 oo xabo oo hoobiyeyaal ah may ahayn mid aan la ogayn, waxa uu ahaa mid ay xukuumadihii dalka isaga dambeeyay ogaayeen oo si nabdoon meel ugu uruursanaa,”ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Awdal.

“Hubkan waxa hayay Marwo ka hadhay Gaashaanle Sare oo la odhan jiray Cabdi Nuur, waxa lagu ogaa gurigeeda, waxa ay la xidhiidhay dawladii hore sida la ii sheegay waxa u socday wada hadalo la xidhiidha inay wareejiso hubkan, iyadana la siiyo xafidaadeedii, xaalka oo sidaas ah laguma guulaysan oo waa la badaley xukuumadii hore,”ayuu yidhi Axmed Xadi Sidci.

Badhasaabka Awdal oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Dhawaan waxa ay la xidhiidhay qaybta miino baadhista ee ciidanka Booliska, waxana ay ku tidhi ma hayn karo ee iga qaada, halkan ayay yimaadeen hubkiina iyada oo la ogahay ayaa la qaaday 23/10/2012 oo ahayd Arbacadii hore”.

Badhasaabku wuxuu sheegay inuu warkaasi la yaabay waxaanu yidhi“ Arintaasi markii la qaadayay hubka waxa la soo amray in aan saxaafada la galin oo aan looga yeedhin, runtii maanta iyada oo lagu jiro olole, aniga oo ixtiraamaya taliska Booliska in hubkii noocaas ahaa la shaaciyo oo waliba lagu tilmaamo mid laga soo qaaday gacanta cadawga oo muddo dheer la daba gurayay, waxa ay tahay mid u muuqataa mid aan ahayn nidaamkii booliska iyo nabadgalyada, waxana ay lamid tahay anaga oo is dacaayadaynayna,”ayuu yidhi Badhasaabka Awdal.”

Waxa aan u sheegayaa dadka in hubkaasi ahaa mid la ogaa oo meel haboon lagu hayay, mana ahayn mid gacan kale laga soo saaray, cidwalba oo reer Somaliland ah iyo cidkasta oo Awdal dano kalena waxa aan u sheegayaa in uu gobolka nabadgalyo yahay oo aanay dhibi ka jirin, arintaasina ay ahayd mid si qaldan u dhacday waa qaabka loo faafiyay.

Badhasaabka hadalkiisan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa waqti habeenimadii xalay markii warkan laga daawaday saxaafada Hargaysa dadku ay walaac badan muujiyeen isla markaana wax badan la iska waydiiyay hubkan meesha uu ku kaydsanaa iyo waxa waqtigan sababay in la wareejiyo.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa