Xisbiga KULMIYE oo Awoodiisa Ku Muujiyay Mawjado Taageereyaal ah oo qarqiyay Gobolada dalka

Nuxurka Khudbaddii Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland ka jeediyay fagaaraha Beerta Xoriyadda Hargeysa

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi ismaaciil (Saylici) ayaa khudbad dheer u jeediyay Kumanaan ka mid ah taageereyaasha xisbiga tallada haya ee KULMIYE, kuwaasi oo qarqiyay saaka fagaaraha beerta Xoriyadda ee caasimadda Hargeysa.

Kumanaan ka mid ah taageereyaasha xisbiga KULMIYE oo sitay sawiradda murashaxiinta xisbiga KULMIYE ee degmada Hargeysa iyo calanka xisbigaasi ayaa saaka iskugu soo baxay maalintii koowaad ee xisbiga KULMIYE u lahaa kaltanka ololaha doorashada.

Boqolaal Gaadiid ah oo ay saaran yihiin taageereyaasha KULMIYE ayaa samxad xoog leh ka abuuray jidadka faras-magaalaha, kuwaasi oo ku dhawaaqayay hal ku dhigyo ay ku taageerayeen murashaxiinta KULMIYE u soo xulay Golaha deegaanka Hargeysa.
Waxa kale oo xaflada dhoola tuska xisbiga KULMIYE ku qabsaday fagaaraha Beerta Xoriyadda ka qeyb galay Wasiirro, Xildhibaano ka tirsan Goieyaasha Baarlamaanka ee wakiiladda iyo Guurtida iyo musharixiinta u taagan golaha deegaanka caasimadda.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay halkaasi ayaa si weyn ugu mahad celiyay taageereyaashooda, waxaanu u soo jeediyay inay soo saaraan oo ay doortaan murashaxiinta 23-ka degmo doorasho ee ay u soo xuleen Goleyaasha deegaanka oo uu tilmaamay inay dhammaantood yihiin xubno aqoon iyo karti leh oo ka soo dhalaali kara masuuliyadda dawladaha Hoose.

Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu intaasi ku daray in xukuumadda ka dhalatay xisbigooda ee tallada dalka haysaa ay labadii

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi ismaaciil (Saylici) oo ka hadlay xafladaasi ayaa khudbad dheer ka jeediyay waxaanu kaga xog waramay waxyaabihii dawlada u qabsoomay,

Madaxweyne Ku xigeenka waxa khudbadiisu u dhignayd sidan:-

“Mudanayaal iyo Marwooyin. Ugu horeyn, waxan salaan iyo mahadnaq u dirayaa dhamman shacbiga Somaliland gudo iyo dibedba meelkasta oo ay joogaan. Aniga oo og mar kalena uga mahad celinaya taageerada buuxda ee ay xukuumadda la garab taagan yihiin taageerayaasha iyo bahweynta xisbiga kulmiye, waxaan idiin rajaynayaa inaad halkaa ka sii waddaan dedaalkina, annaguna waxaanu ballanqaadaynaa in aanu dhinacayaga dedaalka halkaa ka sii wadi doono oo aanu sii kordhin doono.

waxa maanta sharaf weyn noo ah in aynu isugu soo baxno Ololaha doorashada golaha deegaanka, oo aynu ugu diyaar garoobayno in aynu ku xulano ashqaastii aynu ku aamini lahayn bilacda, horumarinta iyo dhismaha Degmooyinkeena.

Mudanayaal iyo marwooyin. waxaad la socotaan in xisbiga haya talada dalka ee kulmiye uu ka dhabeeyey balanqaadyadiisi waxqabad ee ku suntanayd mudadii uu baadigoobka ugu jiray hanashada hogaanka dalka, waxaa dhab ah, oo aan been iyo buun-buunintoona lahayn in xukuumadu ay 70% ay fulisay balan-qaadkeedii, taas oo ah mid ay ka run sheegayaan indhihii caafimaad qabaa.

Mudanayaal iyo Marwooyin, Ballanqaadyadaa fulintooda waxaanu u soo kala horreeysiinay sidii ay u kala muhiimsanaayeen ee ay baahida dalku ahayd, isla-markaana ay awooddu dhaqaale inoo saamaxaysay, waxaanan idiin sheegayaa in balanqadayadaa 70% ka mid ahi qabsoomeen, oo ay sidii loogu talo galay u fuleen, halka 30% gacanta lagu hayo oo aanu ku rajo weynahay inaynu hirgelino wakhtiga ugu haboon ee ALLE inoo saamaxo.

1- Nabadgelyada

Nabadgelyada la’aanteed ma jiraan wax inoo qabsoomayaa sidaa awgeed, xukuumadan uu hogaaminaayo xisbiga kulmiye, iyada oo ka duulaysa baahida loo qabo nabadgelyada waxa shacab iyo xukuumadba layska kaashaday sidii meel qudha looga soo wada jeesan lahaa adkaynta nabada iyo xasiloonida bulshada.

waxaad la socotaan dedaalkii ay xukuumadu ka gashay xasilinta shaqaaqooyinkii ka dhacay meelo kala duwan oo ka mida dalkeena, sida Kalshaale, Ceelbardaale, Ceerigaabo iyo arrimihii la midka ahaa, Waanad ogtihiin oo dhamaantood waxa ay xukuumadu uga hawl-gashay sidii ugu wanaagsanayd ee lagu xakamayn lahaa, laguna baajin lahaa dhiig sii daata, Waxaanan u mahadnaqayaa Masuuliyiintii, odayadii, waxgaradkii iyo culimadii nagala hawl-galay.

sidoo kale xukuumadu waxay xoojisay tayada ciidanka booliska iyada oo la siiyey tababaro kala duwan oo korloogu qaadayo heerkooda aqooneed, isla markaana lagu kordhiyey boolis dhan 500 oo askari kuwaas oo ah kuwii ka soo baxay Ardaydii Dhamaysatay Dugsiyada sare iyo Jaamacadaha.

sidoo kale waxay xukuumadu xooga saartay sugida Amniga xeebeheena iyada oo ciidanka ilaalada xeebaha lagu kordhiyey 260 Askari, arrintaasi waxay door muhiima ka qaadatay la dagaalanka budhcad badeeda.

2. Arrimaha Bulshada

a) wax-barashada

mudane iyo marwooyin marka aynu ka hadalno dhinaca waxbarashada mudadii ay xukuumadani ay haysay talada dalka waxa u qabsoomay arrimo wax ku ool ah oo ay ka mid yihiin
1. in Dugsiyada hoose/dhexe laga dhigo waxbarasahdoodii mid bilaasha, taas oo suura gelisay in dadkii danyarta ahaa ay ubadkoodu helaan waxbarasho.
2. in Dugsiyada dawladda lagu kordhiyo 2500 oo ah macallin cusub.
3. si loo tayeeyo heerka waxbarasho ee dugsiyada sare iyo jaamacadaha, waxa la abuuray guddiga sare ee tacliinta.
4. sidoo kale waxa xukuumadan u hirgashay in la helo fursado cusub oo waxbarasho dibedeed ah.

b) Caafimaadka:

xukuumadu waxay xooga saartay dhinaca adeega caafimaadka waxaana u hirgashay
1. Waxaa Hargeysa laga Billaabay dhismaha Cusbitaal weyn oo caalami ah iyadoo kii horena lagu qalabeeyay 235 sariirood oo cusub, sidoo kale Gabiley waxa laga furay cusbitaal cusub,
2. Waxaa la shaqaaleeyey 443 isugu jira dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal caafimaad oo ka soo qalinjabiyay jaamacadaha dalka iyo dugsiyada caafimaadka si loo tayeeyo caafimaadka dalka.

3. sidoo kale waxa inoo suura gashay inaynu kordhino gaadiidka Ambalance-yo sida magaalooyinka Boorame, Gabiley, Berbera iyo Ceerigaabo
4. waxa aanu sidoo kale hawlgelinay mishiinadii kelyaha sifaynaayey oo baahi weyn loo qabay iyada oo aanu dhaqaale badan gelinay taabo gelintooda.


c) Xoolaha

1. sidaynu wada ogsoonahay Xooluhu waa laf-dhabarta dhaqaalaha dalkeena, sidaa darteed waxa lagama maarmaan ah in lagu dadaalo caafimaadkooda iyo daryeelka deegaanka ay ku nool yihiin. Ballanqaadkayagii horena waxa uu ahaa in la Hawl-galiyo 6 kooxood oo ku wareega Gobolada dalka oo ah Dhakhaatiirta Xoolaha, nasiib wanaag waxa hawshaa ka qayb qaata 30 kooxood oo dhakhaatiira.

2. Waxaad la socotaan in xoolihii ugu badnaa abid ay ka dhoofeen Dekeda Berbera taasi oo ku timid dedaalka ay xukuumadu ka gashay suuq-gaynta xoolaheena,

3. Cadaalada iyo Garsoorka:

mudane iyo marwooyin

waxaad la socotaan in tan iyo maalintii xukuumadani ay la wareegtay hogaaminta talada dalka ay masuuliyad iyo xil gaara iska saartay sidii loo heli lahaa cadaalad iyo garsoor raaligeliya inta badan bulshadeena, taasoo ilaa haatan aanay xukuumadu ka hadhin ka midho dhalinteeda.

Si kor loogu qaado cadaalada iyo garsoorka waxaa la qabtay kulan ballaadhan oo lagaga dooday isla markaana daraasad lagaga sameeyay xaaladda caddaalada iyo garsoorka, kulankaas oo ay u dhammaayeen, Gudida Caddaalada, Garsoorayaasha, Sharciyaqaanada, Xeer-ilaalinta, Culimada, madax-dhaqamedka iyo guud ahaanba intii lagu tuhunsanaa inay hawshaa wax ka tari karaan. Kulankan oo ay ujeedadiisu ahayd inuu soo saaro talo cilmi ku dhisan oo lagu saxo caddaalada iyo garsoorka dalka waxa ka soo baxay oo laga soo saaray Buug wax ku ool ah, oo daah fur u noqonaya dadaalka aynu ku doonayno inaynu dhisanno nidaam cadaaladeed iyo garsoor lagu diirsado.

Anagoo ka duulayna talooyinkii kasoo baxay daraasadaas iyo ka midho dhalinta sidii ay bulshadu u heli lahayd cadaalad sugan, waxaanu isbedel ballaadhan ku samaynay masuuliyiinta Gudiga Cadaalada, Maxakamada Sare, iyo dhammaan maxakamadaha Racfaanka, Gobolada iyo degmooyinka.

4. Biyaha:

sida aad wada ogsiintiinba Biyuhu waa nolosha iyo laf-dhabarta noolaha,
a) xukuumada waxaa u hirgashay laguna guulaystay in la dhamaystiro 30 Ceel-biyood oo dhaadheer, halka gacanta lagu hayo kuwo kale oo Ceel-biyood oo ah kuwo dhaadheer kuwaasoo ku baahsan inta badan gobolada dalka iyadoo loo eegayo baahiyaha iyo helitaanka biyaha.

b) Waxa dhamaaday 23 Barkadood oo laga qoday guud ahaan gobollada dalka. Waxaana socota biyo-galin lagu samaynayo 18 Tuulo, kuwaasoo ku kala yaala gobolada Awdal, Salel, Maroodijeex, Togdheer, Saaxil iyo Sool kuwaas oo intooda badani ay gebegabo yihiin.
c) sidoo kale waxa aanu u hawlganay sidii caasimada dalka ee hargeysa biyo loogu heli lahaa, waxaana illaahay mahadii ah in aynu mucaawimo ka helnay midawga yurub (EU) balaadhinta biyo gelinta Hargeysa iyo magaalooyinka
kale ee Ceerigaabo, Wajaale iyo Burco.
src=”http://www.somaliland.org/images/b/2012/10/DSC09306.jpg” alt=”" title=”DSC09306″ width=”4000″ height=”3000″ class=”aligncenter size-full wp-image-40735″ />
5. Beeraha:

Waxa la sameeyay sahan lagu qiimaynayo cuntada dalka ka soo go’day, taas oo lagu ogaaday kor u kaca qiyaaseed ee dalaga ka soo go’ay beeraha dalkeena taasi oo ah mid ku timid dedaalkii ay xukuumadeenu ka gashay dhiirigelinta dhinaca qodaalka iyo waxsoosaarka
waxaanad ogtihiin in markii ugu horaysay abid somaliland laga beero bariis laguna guulaystay tijaabadaasi, isla markaana loo baahan yahay in ganacsatadeenu maalgashi ay ku sameeyaan beerista bariiska iyo waxsoosaarka dalkeena.

6. Waddooyinka:

waxaanu ku dedaalnay sidii dawladaha hoose u samayn lahaayeen wadooyinka magaalooyinkooda, dhinaca kale waxa aanu xooga saarnay intii duruufta dhaqaale inoo saamaxday in aynu dhisno ama dayactirno wadooyinka isku xidha magaalooyinka halbowlaha ah.

7. Dhalinyaradda

Si loo dhiirigeliyo dhalin yarada, loogana hortago balwadaha xunxun ee ay ku dhacaan xiliga ay da’yarta yihiin, waxaanu xoojinay xidhiidhada ciyaaraha waxaanu u qabanay tartano kala duwan oo dhinaca ciyaaraha ah

8. Dhaqaalaha:

sidaad la wada socotaan xukuumadani waxay la kowsatay daruuf adag oo xaga dhaqaalaha ah oo ay ka dhaxashay xukuumadii iyada ka horaysay, iyada oo dalkasta laga qiyaaso heerkiisa dhaqaale qadarka miisaaniyadiisa, waxay xukuumadani kordhisay miisaaniyadii qaranka (320Bll-520)

a) waxa la kordhiyey mushaharkii shaqaalaha, ciidamada, xubnaha kolayaasha sharci-dejinta iyo fulinta.
b) waxaanu bedelnay lacagtii giimbaarta lagu sheegi jiray ee dhibaatada badan ku haysay gobolka togdheer, taas oo sidaad la socotaan xukuumadii naga horaysay ay ku darsatay miisaaniyadeeda saddex jeer, isla markaana ay ku guuldaraysatay.

c) sidoo kale waxay xukuumadani ku guulaysatay in markii ugu horaysay ay keento idaacad gaadha dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, waxa kale oo isna tayadiisii iyo baahintiisa korloo qaaday Televion kii qaranka kaas oo laga daawado dunida.

korodhka dhaqaale wuxuu keenay in la shaqalaysiiyo in ka badan 4500 qof oo isugu jira askar, Macaliminta, Caafimaadka IWM.

9. Siyaasadda:

1. xukuumadu waxay ku dedaashay sidii ay u iibgayn lahayd magaca iyo qarannimada Somaliland, iyada oo weftiyo kala duwan oo isugu jira heer madaxweyne iyo wasiiro ay socdaalo ugu kala baxeen dalal badan oo ka mid ah beesha caalamka
2. waxay xukuumadu ka qayb gashay shirar door ah , oo ay ugu muhiimsanaayeen shirkii London ee qabsoomay 23 Febroury 2012 kaas oo ay ka soo qayb galeen beesha caalamka isla markaana ay somaliland iyo somaliya kaga soo qayb galeen laba dal oo isku meeqaam ah.

3. xukuumadani waxay albaabada u furtay wada hadal dhexmara Labada dal ee Somaliland iyo Somaliya kaas oo la xidhiidha shirkii london kana qabsoomay Dubai.”


Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Wasiirrada Waxbarashada iyo Kalluumaysiga oo ka hadlay ahmiyada ay doorashada Goleyaasha deegaanku ugu fadhido dalka. Waxaanay ugu baaqeen in taageereyaashooda inay codkooda la garab istaagaan murashaxiinta KULMIYE u soo xulay maamulada dawladaha Hoose.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com