“Talaabo ha laga qaado axsaabta leh aqbali mayno natiijada doorashada”

Hargeysa(Somaliland.Org)-“Xisbiga Kulmiye wuxuu isku xidhayaa Mustqabalka, taariikhada Somaliland iyo marxalada maanta taagan,”ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo maanta khudbad u jeediyay Kumanaan qof oo ka mid ah taageereyaashooda Magaaladda Hargeysa oo banaan-bax weyn iskugu soo baxay Fagaaraha beerta Xoriyada ee caasimada Hargeysa.

“Kulmiye maanta wuxuu joogaa Maraxalad kala guur ah oo uu dalka ka saarayo marxalad adag oo u baahan dhaqaale, nabadgelyo iyo arrimaha bulshada lagu horumariyo,”ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE.

Muuse Biixi waxa uu Komishanka doorashooyinka ugu baaqay inay Tallaabo ka qaadaan ururada iyo xisbiyada uu tilmaamay inay ka sii dar-daar werinayaan natiijada doorashada goleyaasha deegaanka ee 28-ka Bisha fooda inagu soo haysa ka qabsoomi doonta dalka waxa uu yidhi “Waxa jira Xisbiyo tartamaya oo dhamaantood soo dhaweynayno oo aanu korinayno, Xisbiyada qaar-baa weli ka walaacaya Natiijadda oo leh Natiijadda yeeli mayno haddii nalaga badiyo. markaa nin waliba waa inuu amaaninaa natiijadda ka soo baxda. Komishankana waxaanu u sheegaynaa xisbiyada ku dhawaaqaya natiijada aqbalimayno inay wuxuu sharcigu yahay ay ka qaadaan tallaabo sharci.”

“Ninka garoonka soo galayow waxaad ka heshaabaad leedahay, Dadka ayaa dooranaya Xisbiga ay talada u dhiibanayaan anaga oo xisbigii doorashada ku guulaystay ayaanu ogolaanay inaanu la tartano ururo hadda la bilaabay,”ayuu yidhi Muuse Biixi.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.org/Hargeysa