Xildhibaan Cali Mareexaan oo Ciidanka Booliska ku wareejiyey Gaadhi Surf ah

Hargeysa (Somaliland.Org) Xildhibaan Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan) oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta Ciidanka Booliska ku wareejiyey gaadhi noociisu yahay Surf, kaasoo ugu talagalay inay ku hawlgalaan ciidammada bilayska degaanka Dhoqoshay oo ka tirsan Gobolka Togdheer.

Xildhibaan Cali Mareexaan ayaa gaadhigan si rasmi ah ugu wareejiyey Taliye-ku-xigeenka Ciidanka Bilayska Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle oo ku guddoomay xarunta Taliska Guud ee Booliska.

Cali Mareexaan oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inuu gaadhigan ugu wareejiyey, kadib markii uu arkay baahida ciidammada amniga degaanka Dhoqoshay u qabaan gaadhigan si ay ugu hawlgalaan, sidoo kalena uu maqlay codsiyo badan oo ka yimi saraakiisha degaankaas oo ku dhaw meel xuduuda.

Taliye-ku-xigeenka Bilayska Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle oo isna markii uu gaadhigan guddoomay ka hadlay, ayaa u mahadceliyey Xildhibaan Cali Mareexaan oo uu sheegay inuu mar walba taageero la garab istaago ciidammada bilayska, isagoo sheegay inuu hore gaadhi noocan oo kale ah ugu wareejiyey ciidammada bilayska degaanka Qoryaale.
Masuuliyiin, salaadiin iyo Guddoomiyaha degaanka Dhoqoshay ayaa iyaguna sheegay in xildhibaannada la soo doortayna ay wax dib ugu celiyaan degaannada laga soo doortay.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com