Madaxweyne Siilaanyo oo dhambaal tacsi ah u diray qoyskii CUMAR NUUR AXMED

Madaxweynaha JSL, Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Qoyskii, Asxaabtii, iyo dhamaan shacbiga reer somaliland, oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida ku timid MARXUUM, CUMAR NUUR AXMED oo ka mid ahaa Odayaashii ka soo qayb-qaatay halgankii nabadaynta iyo dawladnimada Jamhuuriyada Somaliland oo 29/10/2012 bishan ku geeriyooday Magaalada Burco laguna aasay.

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo dhamaan shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.