Madaxdhaqameed Baaq Qaylo-dhaan ah ka soo Saaray Dhul-daaqsimeed la Iibinayo

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxdhaqameed, xildhibaanno iyo waxgarad kale ayaa baaq qaylo-dhaan in wax laga qabto ah dhul-daaqsimeed hore uga caaganaa seeraha oo ka mid ah degaanka u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera oo cid gaar ahi sheegatay.

Baaq ay ku saxeexan yihiin laba suldaan, laba mudane oo Golaha Wakiillada ka tirsan iyo lix caaqil oo ay Jamhuuriya xalay soo gaadhsiiyeen, waxay ku sheegeen in dhul gaadhaya 2 ilaa 10KM oo ka mid ahaa dhul-daaqsimeedka xoolaha ee hore loo mamnuucay in la seeyo uu nin dano ganacsi leh sheegtay, isla markaana uu iibinayo, arrintaasina ay abuuri karto xasillooni-darro khatar ku keenta jidka halbowlaha isku xidha Berbera iyo Hargeysa.

Baaqan dhaylo-dhaanta ah oo ay ku socodsiiyeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Taliyaha Ciidanka Booliska, Guddoomiyaha Gobolka Saaxil, isla markaana ku ogaysiiyeen Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, Guddoomiyaha Degmada Mandheera, Guddoomiyaha Degmada Laasgeel iyo Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa isagoo dhammaystiran uu u dhignaa sidan:-

“Mudanayaal, sida aad ka warqabtaan deegaanka u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera ilaa xeebta Waqooyi, waxgaradka iyo madaxdhaqammeedka beesha deegaanku waxay go’aan guud ku gaadhay inaan la seerayn dhulkaas si xoolaha oo ah laf-dhabarta dhaqaalaha dalka iyo nolosha reer miyiga loo dhawro, go’aankaas oo 20kii sanno ee u dambeeyay dhaqangal ahaa, marka laga reebo beer-biyoodyada oo 2 Hectre ama 3 Hectre ah.

Haddaba, waxa isa soo taraya qaylo-dhaanta ka imanaysa xoolo-dhaqatada iyo reer miyiga oo ay ka cabanayaan shakhsi dhul-daaqsimeed 2KM – 10KM keliggii sheeganaya oo iibinaya, ujeedadiisuna tahay ganacsi, taasoo dhaawac weyn u geysan karta ammaanka iyo xasilloonida marinka halbowlaha ee Berbera iyo Hargeysa.

Sidaas darteed, haddii aannu nahay madaxdhaqammeedka, xildhibaannada iyo waxgaradka deegaankaas waxaannu mar labaad ayidsannahay go’aankii ahaa inaan dhul-daaqsimeedka la iibin karin, cid gaar ahina sheegan Karin.
Waxaannu madaxda qaranka ee baaqayagu sida tooska ah ugu socdo iyo kuwa ogaalka ku leh aannu faraynaa in la dhawro degannaanshaha iyo nabadgelyada deegaankaas oo xasaasi ku ah qarannimmada Somaliland.

Ciddii sammaysay dhacdadii ugu dambaysay ee (Gole Hijiiji) ee Dacarbudhuq ilaa Abdaal oo ah dhul-daaqsimeed laga joojiyo ciddii hawshaas sammaysay, gacana nalagu siiyo si aannu sharcigga u hor keeno.

Waxaannu sugaynaa go’aanka arrintan khuseeya, si loo furdaamiyo dhacdadan ugubka ku ah Deegaanka.”
Magacyada xubnaha ku saxeexan baaqani waxay kala yihiin;

1. Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh
2. Suldaan Cali Sulaymaan Axmed
3. Xildhibaan Axmed Xasan Waysa-cadde
4. Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan
5. Chief Caaqil Jaamac Caarre Samatar
6. Chief Caaqil Axmed Maxamuud Cawad (Caaqil-yare)
7. Chief Caaqil Cumar Diiriye Aw Yuusuf
8. Chief Maxamed Mooge Cali
9. Chief Caaqil Maxamed Ibraahin Xuseen
10. Caaqil Cabdillaahi Dirays.