Ha’yadda MSF oo Xoolo ugu deeqday Danyarta Burco

Burco (Somaliland.Org)- Hay’adda MSF oo ka tirsan Hay’addaha wadanka Kuwait ayaa maanta deeq Xoolo ah gaadhsiisay dadka danyarta ah iyo kuwa barokacayaasha ah ee ku dhaqan xarunta gobolka Togdheer ee Burco.

Xoolahan oo tiradoodu dhamayd 607-neef oo adhi ah ayaa hay’adani u qaybisay dad ay tiradoodu aad u badantahay kuwaasi oo xaaladooda nololeed ay jilicsantahay sida uu Shabakadda Somaliland.org u xaqiijiyay madaxa samofalka ee Wasaaradda Dib u dajinta ee gobolka Togdheer Cabdikariin Aadan X. Diiriye.

“Anigoo ku hadlaaya afka madaxa xafiiska samofalka ee Wasaaradda dib u dajinta Somaliland maanta waxaanu halkan ku qaybinay 607-neef oo adhi ah oo hay’adda MSF ee Kuwait ay ku caawisay dadka barokacayaasha ah iyo danyarta ku nool magaalada Burco oo isku jira dad reer Somaliland ah iyo kuwo kale ,waana markii Shanaad ee ay hay’adani deeq soo gaadhsiiso gobolka Togdheer aad iyo aad-baanu ugu mahadnaqaynaa “ ayuu yidhi Cabdikariin waxaanuu soo jeediyay
hay’adaha kale in ay iyana ku daydaan MSF ee Kuwait oo ay caawiyaan dadka danyarta ah ee gobolka ku sugan.

Sidoo kale masuulkan sare ee ka tirsan Xafiiska samofalka ee dib u dajinta ayaa ugu baaqay hay’adaha ka qaybqaata samofalka Somaliland in ay markastoo ay hawlo fulinayaan la soo xidhiidhaan Xafiiska Samofalka ee Somaliland waxaanu yidhi isagoo arintaa ka hadlaaya “ Waxaan aad iyo aad ugu adkaynayaa hay’adaha samofalka ee Somaliland ka hawlgala gaar’ahaan gobolka Togdheer in ay Xafiiska samofalka ee gobolka la soo xidhiidhaan ama ay soo maraan sida uu sharcigu dhigaayo“ Sidaasi ayuu Mr Cabdikariin hadalkiisa kaga baxay.

Ma aha markii u horeysay ee ay hay’adani caawimooyin soo gaadhsiiso Somaliland ,balse dhawr jeer ooh ore ayay sedan oo kale Xoolo u qaybisay dadka Saboolka ah eek u dhaqan gobolada Somaliland.

Mahad Faarax Cabdilaahi
Somaliland.Org/Burco