Lafaha Malko Durduro: Gebo-gebada Baadi Goobkii Dheeraa Ee Aabahay Iyo Saaxiibadiisii La Xasuuqay Q;4aad

Waxaan jecelahay in aan halkan mar kale ka caddeeyo sida ay horeba Xukuumada Somaliland u sheegtay in aan baadhitaanada ku saabsan xasuuqii ka dhacay Somaliland aanuu ahayn mid cid gaar ah ama beelo gaar ah lagu bar tilmaameedsanayo ama lagu xumaynayo, ujeedada laga leeyahay waa sidii dadkii dadkooda la xasuuqay ay u ogaan lahaayeen goobaha ama degmooyinka iyo magaalooyinka ay ku yaalaan xabaalo wadareedyadu si loo garto qof kasta goobta ay lafaha ehelkoodu ku aasan yihiin iyada oo la isticmaalayo nidaamka DNA da si markaas loo aqoonsado qof kasta oo xabaalahaas ku jira, dibna loogu aaso, iyo si loo raadiyo cadaaladana loo hor keeno madaxdii iyo ashkhaastii dhagartan geysatay

Qaybtii 4aad

Marka Hore Ciid Wanaagsan, Haddii aynu halkii hore ka sii wadno Aniga oo Tawakaltu Cala-Llaah leh ayaan dhalada uga baxay mid ka mid ah labadii gaadhi ee u rarnaa Macalin Axmed oo ay saarnaayeen Jawaano badan oo Sinjibiil ah, taasoo dadka qaar ay u isticmaalaan wanaajinta dhadhanka shaaha, waxaa baabuurta saarnaa rakaab tiradoodu ku dhawayd ilaa Afartan qof, waxay badankoodu ahaayeen dad ku noolaa waxa imika loo yaqaan Kililka shanaad, kuwo ganacsato ah iyo kuwo qaxooti ahaa oo sidayda kabna lulayay kabna laalaadinaayay!

Werwerka igu jiray ma uu yarayn, waxaana maskaxdaya daqiiqad kasta ku jirtay waxa aan kala kulmi doono Magaalada Muqdisho haddii aan nabadqab ku gaadho iyo in aan nasiib u yeelan doono inaan la kulmo Aabahay iyo saaxiibadiisii kale ee la sheegay inay Xamar ku xidhan yihiin, habeenba waxaanu usii dhaxaynay Tuulooyin iyo deegaamo hor leh oo aanan waligay arag, waxaana badankooda aanu ku soo dhaafnay si Nabadgelyo ah, iyada oo aanaan la kumlin cid wax na su’aasha ama dhib noo geysata. Markii aanu soo gaadhnay gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Balcad ayaa Macalin Axmed waxa uu u yeedhay gaadhi yar oo nooca Xaajiyada loo yaqaano ah, waxaana uu ka dalbaday inuu Muqdisho noo kaxeeyo, iyada oo uu u arkayay inuu ka dheeraynayo baabuurta xamuulka ah. Isaga oo darawaliintii xamuulka u sidayna uu kula ballamay Muqdisho gudaheeda.

Macalin Axmed, Aniga iyo Wiilkii uu adeerka u ahaa iyo laba qof oo dumar ah ayaa gaadhigii yaraa soo fuulnay, waxaana aanu Muqdisho soo galnay goor ku beegnayd Sideedii Fiidnimo, iyada oo gaadhigii aanu kaga degnay meel magaceeda lagu sheegayay Siinaay. Meel kale anaga oo aan wali u dhaqaaqin ayuu Macalin Axmed si kadiso ah nooga codsaday aniga iyo ninkii uu adeerka u ahaa in aanu ku yara sugno Maqaaxi yar oo aanu markaas gaadhiga kaga hor degnay, waxaana uu nagu yidhi halkan igu suga Taleefan ayaan soo dirsanayaa oo waan idinku soo noqonayaaye!

Mar qudha ayaa waxaa hor yimi hadaladii iyo tusaalooyinkii ay ii soo jeedin jireen qaar ka mid ah dadkii Jijiga aan kaga imi ee asxaabta ahaa, kuwaas oo qaarkood odhan jireen Macalin Axmed waa basaas dawaladii Soomaaliya u shaqeeya oo markaad Muqdisho gaadhaan ayuu kaa been abuuran oo uu odhan nin SNM ah ayaan soo qabtay oo ka dib jeelka lagu dhigi ama laguba dilli! Run ahaan arrintaasi aad ayaan uga walaacay gaar ahaana waxaa shaki xoog lihi igu abuurmay markii uu yidhi halkan igu sii suga taleefan ayaan diranayaaye! Bacda ayaa si yaab leh ii sanqadhay!

Waxa aan markiiba ka fikiray in ay dhici karto in Macalinku uu Taleefankan uu uba dirayo Booliska ama Sirdoonka sidii hore la ii soo dareensiiyay, ka dibna ay dhici karto in iyada oo aan cidina Xamar igu ogayn in la i dhufto oo Jeel aan ku danbayn karo, run ahaan wadciga xiligaas lagu jiray oo ahaa mid qadhaadh ayaa suurto gal ka dhigayay filasho kasta, maskaxdaydu way igu simi weyday inaan si balaadhan oo deggan aan u fikiro ama u qiimeeyo xaallada una sameeyo go’aan macquul ah (rational decision) maadaama oo wakhtiga aan haystay inaan go’aan gaadhaa uu yaraa oo uu ku xidhnaa inta Macalinku uu taleefanka uu diranayay uu ka soo noqonayo.

Go’aan degdeg ah ayaan gaadhay waxaanan qaaday talaabo aan u arkayay inay muhiim ahayd si aan khatarta ii sawirantay aan uga nabadgalo, Macalin Axmed ayaa qaddar yar ka dib noo soo muuqday isaga oo aan wali saani noo soo gaadhin oo dhawr talaabo noo jira ayaan ka hor cararay oo aan garab maray aniga oo ku dhawaaqaya Macalin kuwa halkaas maraya ayaan garanayaa, kuwaas ayaan garanayaa ee isii yara suga, aan gaadhee isuga ! intaan iska dhigay qof meel dheer ka arkay dad uu garanayo, Markiiba dhawr sakadood ayaan ka laabtay aniga oo xiimaya ayaanan goob yar oo cidlo ah oo guryo dhawr ahi ka dhisnaayeen aan is dhex taagay! Farxad ayaa i gashay kol hadaan Macalinkii iyo khatartii sirdoonkiisaba ka soo baxsaday, waxaan iskula showray oo aan hoos ahaan u idhi oo maxaaba shaki i galinaya ma anigaaba Jeel iyo dhibaato kale qaadi kara.

Markii aan cabaar yara nastay ayaan fikir yaab leh oo qoto dheer aan galay. Meeshu waa Muqdisho, waa habeen dam ah, waa markii u horraysay ee noloshayda iigu horraysay ee aan Muqdisho imaado, ma hayo wax taleefan ah, wax cinwaan ah iyo xataa meel aan ku hagaago toona. Abtigay Rashiid Faarax oo hooyaday la dhashay, asxaab iyo ehelo kaleba magaalada wey deggenaayeen laakiin xagee ayaan ugu hagaagaa ee aan garanayaa ?

Waan fikiray oon fikiray mise waxaaba Allah uu maskaxdayda ku soo ridday sheekooyin uu nooga sheekayn jiray intaan dagaaladu dhicin nin dhalinyaro oo Xamar marmar walaalkii ugu tagi jiray, waxa aanu ahayn deris wada deganaa xaafada Laynka Millatariga ee Hargeysa, magaciisa waxa la odhan jiray Fu’aad Cabdi Dheere loona yaqaanay Curri oo Kubada kolayga Hargeisa u ciyaari jiray intan Jamhuuriyadda Somaliland ay jirtay, Allah ha u naxariistee Aabhii Cabdidheerana waxa uu ka mid ahaa dadkii askarta ahaa ee Aabahay ay saaxiibka ahaayeen ee lala xasuuqay. Marqudha ayay maskaxdaya ku soo dhacday meel la odhan jiray CEEL-GAABTA oo uu noo sheegi jiray inay reer waqooyigu isugu iman jireen, farxad intaan kala batay ayaan meeshii ka dhaqaaqay oo aan gabadh waddo maraysa waydiiyay Ceelgaabta halka loo maro, gaadhi Bas ah oo ay ii tilmaantay ayaan ku dhacay, Ceelgaabtii ayaan soo gaadhay mise nasiib darro waa gabaahiir cidlo ah oo aan wax shanqadhayaa joogin, meeshu waxay u eekayd meel kudaafad ah, waxaana ku taxnaa baabuurta xamuulka qaada. Yaab ayaa Alle ii keenay, show meesha maalintii galinka hore ayaa la isugu yimaadaa ee habeenkii waa cidlo oo baabuurta xamuulka ee gobolada ka baxaysa ayaa u hoyda, mar kale ayaan fikir kale oo qoto dheer galay, waxaanan dib usoo celinayay cajaladii maskaxdayada ee Curri iyo sheekooyinkiisii Muqdisho, mar kale ayay igu soo dhacday Shineemo Kaasa-babalaare oo uu sheegi jiray inay dhalinyarta reer Hargeysa ku kulmi jireen, mar kale inta ay farxadi I gashay ayaan degdeg ugu dhaqaaqay nin dhalinyaro ah oo meel aan iga fogayn taagnaa…….

La Soco……….
Ambassador Kaysar Cabdilaahi
Bristol. UK
kaysar@diplomats.com