Urur siyaasadeedka UMMADDA Oo khudbado u jeediyay Taageereyaashiisa Gobolada Somaliland

Hargeysa (Somaliland.Org)- Taageerayaasha Urur Siyaasadeedka Ummadda ayaa maanta Banaan-baxyo ku wajahan ololaha doorashooyinka Deegaanka ka sameeyey guud ahaan Gobolada iyo Degmooyinka Dalka iyadoo Masuuliyiinta urur siyaasadeedkaasi ay khudbado u jeediyeen dadka isu soo baxay.

Banaanbaxan maanta oo bilow u ah ololayaasha ay samaynayaan Xisbiyada iyo ururada siyaasadda ee ku loolamaya doorashooyinkaasi.

Magaalada Caasimadda ah ee Hargaysa xarunta beerta xoriyadda oo lagu qabtay isu soo bax ay ka qayb galeen taageerayaasha Urur siyaasadeedka Umadda ayaa waxaa halkaasi kala hadlay Mas’uuliyiin ay ka mid yahiin Gudoomiyaha urur siyaasadeedka Umadda Md Maxamed Yuusuf cabdi (Gabboose) Xoghayaha ururkaasi Nuur Beddel Ismaaciil iyo mas’uuliyiin kale.

Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka Umadda oo sidoo kale ay dhinac taagnaayeen musharixiinta urur siyaasadeedka Umadda ee Gobolka Maroodijeex waxana uu ka dalbaday dadweynaha inay codkooda siiyaan ururka umadda bil ka bacdi marka loo dareero codbixinta doorashooyinka Dawladaha Hoose.

Dr. Gabboose u sheegay dadkii isu soo baxay in ururka umaddu uu nasiib u helay maalintii koobaad ee ololaha doorashooyinka.

Somaliland.Org/Hargeysa