Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Oo Ka Hadlay Kulamo uu la yeeshay Madaxda Imaaraadka carabta

Wasiirro Madaxweyne Ku xigeenka si diiran ugu soo dhaweeyay Madaarka Berbera

Berbera (Somaliland.Org)- Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu socdaal qaatay muddo todoba maalmood oo fasaxa ku tagay dalka imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Ku xigeenka oo ka soo degay madaarka Magaallo xeebeeda Berbera waxa si diiran halkaasi ugu soo dhaweeyay Wasiirrada Madaxtooyadda, Warfaafinta, Beeraha, Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Wasiir Ku xigeenka waxbarashada, Badhasaabka Saaxil iyo Maayarka Berbera.

Madaxweyne Ku xigeenka Md. C/Raxmaan Cabdilaahi ismaaciil (Saylici) oo qolka nasashada ee madaarka Berbera ugu waramayay saxaafadda ayaa sheegay in socdaalkiisa oo qaatay muddo todoba maalmood ah, waxaanu yidhi “Waxaan socdaal fasax ah oo gaaban ku tagay dalka Imaaraadka carabta. Waxaan tagay wakhti fasax ah oo waajibaadkii xajka loo diyaar garoobay iyo ciidul adxa. Waxase aan aniga iyo maayarka Hargeysa oo ila socday aanu kullamo la yeelanay Ha’yada Bisha cas ee Imaaraadka carabta oo hore inoogu dhistay toban ceel oo laga dhisay xunmbo weyne oo qeyb ka ahayd biyo balaadhinta Hargeysa. Waxaanu ka wada hadalay sidii biyahaasi ay inoogala sii shaqayn lahaayeen.”

“Waxa kale oo aan masuuliyiin ka mid ah kulan la yeeshay Ha’yada Khaliifa Foundation oo horena uu Madaxweynaha Somaliland kulamo ula yeeshay, ayaanu sii ambo qaadnay wada hadaladii iyo sidii aynu isku kaashan lahayn, waxaanan ka wada hadalay sidii loo sii xoojin lahaa wada hadaladii ay hore ula yeesheen weftigii Madaxweynaha,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenka C/Raxmaan Saylici.


Md. C/Raxmaan Saylici waxa kale oo uu tilmaamay inay wado kulamo la yeesheen odayaal iyo masuuliyiin ka tirsan madaxda Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan wadanka Imaaraadka Carabta oo uu tilmaamay inay uga xog-warameen xaalada guud ee dalka.
Madaxweyne Ku xigeenku waxa uu u mahad celiyay Madaxdii ku soo dhaweysay madaarka Berbera.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com