Kulan lagu faaqidayo xeerka anshaxa saxaafadda Xiliga Doorashada oo ka furmay Hargeysa

Hargeysa (Somaliland.Org)- Agaasimaha Guud ee wasaaradda war-faafinta, dhaqanka iyo wac-yi-gelinta Md. C/Rashiid Jibriil Yuusuf ayaa maanta kulan laba maalmood ah uga furay huteel maan-soor Suxufiyiinta maxaliga ah,kulankaasi oo ku saabsan sidii ay saxaafadu dhex uguy noqon lahayd ururada iyo Axsaabta ku loolamaya doorashada deegaanka ee Fooda inagu soo haya.

kulankan oo furitaankiisii ay ka soo qayb galeen Af-hayeenka guddiga doorashanka Qaranka, Maxamed Xirsi geelle, Guddoomiyaha Guddiga Diiwaan-gelinta ururada, C/.risaaq Ciyaale, waxa ugu horayn halkaasi ka hadlay agaasimaha Guud ee wasaarada warfaafinta Mud,C/rashiid Jibriil , waxaanuu ka waramay ujeedada kulankan loo qabtay, waxaanuu xusay in dulucda kulankani uu yahay sidii ay saxaafaddu dhex ugu noqon lahayd Ururada iyo Axsaabta ku tartamaya doorashada degaanka ee dalka ka qabsoomi doonta.

Waxaanuu Agaasimaha guud intaa raaciyey, in xeerka anshaxana uu dhigayo sidee baynu u dhaqmaynaa intay doorashadu socoto iyo marka ay natiijadu soo baxadaba.waxa kale oo agaasimaha Guud uu sheegay in doorashadani aanay ahayn tii inoogu horaysay ee doorashooyin horeba aynu soo galay, tanina ay la mid tahay kuwii hore oo aanay inagu cusbayn.waxaanuu Saxafiyiinta kula dardaar-may in laga feejignaado wixii aynu u aragno in amniga iyo anshaxaba ay wax yeelo ku keenayso. Bulshada iyo ururadana ay u noqdaan gar-soorayal dhex u ah.
Af-hayeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka Md Maxamed Xirsi Geelle, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ugu horayn halkaa uga mahad naqay saxafadda sida ula soo shaqeeyeen mudadii ay dhisnaayeen komishan ahaan.

Waxaanu intaa raaciyey in waajibka saxafiga saaran ee laga rabaa uu yahay inuu war sax ah oo dhaba bulshada u gudbiyo oo uu kala sooco oo uu kala saaro warka dhabta ah iyo wixii faalo ah ee isagu uu qorayo si bulshadu war saxa u helaan.
waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Guddomiyaha Guddiga diiwaangelinta ururada C/risaaq Ciyaale..

Somaliland.Org/Hargeysa