Wasaaradda Kalluumaysiga oo ka hadashay qorshe ay ku kobcinayso kalluumaysatada Wadaniga ah

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay sannadkan soo socda hirgelinayso horumarinta kalluumaysiga iyo kalluumaysatada waddaniga ah.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) ayaa sheegay inay xukuumad ahaan samaynayaan wershaddo waddani ah, isla markaana ay meesha ka saareen maraakiibtii shisheeye ee badda Somaliland laga kirayn jiray.

Wasiirku waxa uu baaq u diray dhalinyarada Somaliland ee aqoonyahanada ah, isla markaana waxa uu ku booriyay inay ka faa’iidaystaan fursadaas oo abuuraysa, shaqooyin iyo ganacsiba, isagoo tilmaamay inay jiraan qorsheyaal bangiga adduunku lacag ku amaahinayo ciddii la timaada qorshe hirglaya. “Xukuumadda waxa ka go’an laga bilaabo sannadkan inay bilawdo horumarinta Kalluumaysiga, siyaasadda kalluumaysigu waxa weeyaan inaynu samaysano wershaddo kalluumaysi oo waddani ah oo waara oo aynu joojino maraakiibta ajinabiga ah ee aynu siinayno liisamada, taasna waynu hirgelinay, sannadkan laga bilaabana wixii xukuumadda kaga soo hagaaga waxa weeye inay horumariso kalluumaysatada.” ayuu yidhi Wasiirka Kalluumaysigu.

Waxaanu intaas ku daray, isagoo baaq u diray da’yarta Somaliland. “Dhalinyarada waxaan u soo jeedinayaa waa fursad ganacsi, waa fursad shaqaalayn, inay dhalinyaradu badda ka shaqaystaan oo ay shirkaddo samaystaan, waxa jira lacag uu bixinayo bangiga adduunku oo la siinayo haddii dhalinyaradu ay qorsheyaal la yimaadaan midna la siinayo, mid la amaahinayo, hay’addo kale oo amaah bixiya ayaa jira oo aanu faahfaahintooda siin doono, waxaanan leeyahay dhalinyaraddu waa inay u soo jeedsadaan, khayraadka oo keliya maahee amnigeenuna wuu ku xidhan yahay oo baddaas wayn askarteenu ma wada ilaalin karaan ee waa inay dadku kala qayb qaataan ammaanka badda.”

Wasiirka oo maanta ka hadlayay shir ay qabatay dallada SORADI oo lagaga hadlayay horumarka iyo dimuqraadiyada, waxa uu shaaciyay inay dhawaan shaqaalaysiin doonaan dhalinyaro aqoonyahanno ah. “Anagu wasaarad ahaan dhawaan kolay waxaanu qaadanaynaa dhalinyaro jaamiyiin ah, dhawaan Wasiirka Qorshaynta waxaanu soo wada furnay kulliyad culuumta badda lagu baran doono, halkaasoo aanu ku xidhi doono mashruuc imika lanoo ansixiyay oo Midawga Yurub bixinayo, waxaanan dhalinyarada ku boorinayaa inay naga soo qaybgalaan.” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire).

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com


TOP