Heshiis ay kala saxeexdeen maamulka Awdal iyo daneeyeyaasha doorashadda deegaanka
Boorame (Somaliland.Org)- Waxa maanta qalinka lagu duugay heshiis sedex geesood ah oo ku wajahan ilaalinta nabadgalyada Gobolka Awdal mudada uu socdo ololaha doorashooyinka deegaanka.
Heshiiskan ayaa waxa kala saxeexday gudida nabadgalyada ee Gobolka Awdal, Komishanka Doorashooyinka Awdal iyo madaxda heer degmo iyo heer gobol ee ururada iyo axsaabta siyaasada.
Kulankii lagu saxeexayay heshiiskan oo lagu qabtay xarunta Gobolka Awdal ayaa Badhasaabka Gobolka Axmed Xadi Sidci, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Axmed Xuseen Cabdiraxmaan iyo Maayarka Boorama aanay qarsan dareenkooda ku aadan ilaalinta nabadgalyada waqtiga ay socoto ololaha doorashooyinka, waxana ay ku dardaarmeen in xilkaasi culays xoogan la iska saaro loona wada hogaansamo iyada oo la is xushmaynayo qodobada uu dhigayo heshiiskan.
Saraakiil ka socotay komishanka doorashooyinka ee degmooyinka Boorama, Saylac, Lughaya iyo Baki oo iyaguna madashan ka hadlay ayaa qiray ahmiyada heshiiskan, waxana ay ku adkeeyeen ururada iyo axsaabta siyaasada inay fuliyaan, iyaga oo intaasi raaciyay in maalmaha ololaha doorashooyinku socdaan ay masuuliyadu saran tahay maamulka gobolka, komishanka hawsha lagala xidhiidhayana ay bilaabanayso maalmaha doorashooyinka.
Madaxda axsaabta iyo ururada siyaasada oo madashan ka hadashay ayaa sheegay inay u baahnaayeen heshiis iyo xeer hoosaadyo kala haga, heshiiskana ay ku qanacsan yihiin fulina doonaan.
Heshiiskan la sexeexay ayaa ka koobnaa 4 qodob oo kala ah:
1. In urur/xisbi walba uu bilaabo ololahiisa doorashooyinka 6da subaxnimo kuna ekeeyo 4ta galabnimo.
2. In urur/xisbi walba loo ogol yahay laba baabuur oo makarafoon saran yahay oo kaliya inay ku ololeeyaan labada saac ee maalinta hore ah
3. In urur/xisbi walba maalinta ay ku kulmayaan khayriyadaha ay soo bandhigaan waxa ay umada u qabanayaan, ayna ka reeban tahay aflagaadada, cayda iyo xisbi weerarku.
4. In urur/xisbi walba aanu ku xadgudbin maalinta kale ee xisbi/urur uu leeyahay ololaha doorashadda.
Heshiiskan ayaa ay si niyad furnaan ah ay qalinka ugu wada duugeen garabyadii ay khusaysay, waxana uu noqondoonaa xayndaabka anshaxa iyo akhlaaqiyaadka la isku ogol yahay ee maalmahaas, waxana xusid mudan in heshiiskan oo u muuqday mid cidhiidhi ah saamayntiisa uu urur ama xisbi walba dareemi doono marka la gudo galo ololaha.
Cabdalle Cali Yuusuf
Somaliland.Org/Boorame
