Gudoomiyaha Togdheer oo ka hadlay Khasaare ka dhashay roobab ka da’ay gobolka

Burco (Somaliland.Org)- Badhasaabka Gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayir oo Shir Jaraa’id oo uu maanta Ku Qabtay Magaalada Burco, waxa uu kKaga Hadlayay Xaaldaha amaan ee Gobolka, Khasaaraha ay dhawaan dhaliyeen Roobab ka da’ay Deegaamo Ka tirsan Gobolka Togdheer.

Guddoomiyuhu shirkiisa jaraa’id waxa uu ugu horaynba kaga hadlay khasarayaasha ay dhaliyeen roobab dhawaan ka da;ay deegaamo badan oo ka tirsan gobolka Togdheer kuwaasi oo keenay khasaare naf iyo maalba leh, waxaanu yidhi.

“Shirkaygan jaraaid muhiimadiisu waxa uu yahay sidi aan uga warbixinlahaa khasaraha baaxada leh ee ka dhashay roobabkasi ka da’ay deegaano badan oo ay ka mid yihiin Taalo Buur ilaa Heero iyo inta ku hareeraysan Deegaanka Bladhiig, halkaas oo ay nimcaadkaasi EEBBE si weyn u maashaysay, balse dhaliayay khasareyaal baaxad weyn, waxaana deegaanka Coodanle oo kale jira qoysas ay roobabkaasi kala tageen xoolahoodii oo ka sii haya waxaan ka badnayn toban toban neef waxaana sii dheer xaalado kale oo bani adanimo”

Mudane Cabdoo Axmed Aayir sidoo kale waxa uu ka hadalay kaalmo iyo gurmad ay gaadhsiiyeen Xiligan dadkaasi, waxaanu yidhi “waxaan Ugu Baaqaya Xukuumada, Ganacsatada, Hayadaha iyo shiciba inaan u gurmano dadkaasi walaalaheena ah ee tabaaloobay kuwaasi oo haatani inooga baahan inaan caawino waxaanan iyagana ugu baaqayaa in dadka deeganadaasina ay iyana dhinacooda isu naxaristaan oo iskaalmayn iyo soo dhawayn isu sameeyaan”

Gudoomiyaha Gobolka Togdheer mar uu ka Hadlayay Khasaaraha Dhabta ah ee ka dhashay Roobabkani waxa uu tilmaamay in hal qof oo gabadh ahi ay ku nafweyday roobabkaasi balaadhan halka xoolo qiyaas ahaan gaadhaya 5000 oo neefna ay daadadkii roobabkaasi ka dhashay ku nafwaayeen iyadoo sidoo kalaena ay jiraan ayuu yidhi badhasaabka Gobolka Togdheer Dhismayaal guryo ah oo deegnaada qaarkoo roobabku dumiyeen.

Ugu Danbayntiina waxa uu gudoomiyha Gobolka Togdheer isaga oo ka hadlayay xaalada amaan ee gobolka uu sheegay in xiligani ay tahay nabadgalyadu mid sugan islamarkaana iyadoo haatan la galayo olalaha doorashada Golaha deegaanka uu ugu baaqayo asxaabta iyo ururada Siyaasada Somaliland inay ilaaliyaan nabadgaayada islamarkaana si degan oo aan xamaasad iyo dhibaato lahayna ay shacbi weynaha Gobolka Togdheer uga wada qaybqaataan.