Jawigii Looga Ciiday magaalada Burco ee xarunta Togdheer

“Doorashada si xor ah ayaa Loo Tartamayaa, Laakiin wixii shicibka iyo wixii dadka iyo dhaqankaba ku xun lama ogola”

Burco (Somaliland.Org)-Dadweynaha ku dhaqan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa Saaka si balaadhan isugu soo baxay Salaada weyn ee Ciidal Adxa ,oo dhamaan lagu tukaday Fagaarayaasha iyo masaajidada magaalada Burco .

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali X. Xasan iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda talada haysa ayaa Saaka dadweynaha reer Burco kala qaybgalay Tukashada Salaada Ciida oo lagu qabtay fagaaraha garoonka kubadda Cagta ee magaalada Burco ,halkaasi oo ay isugu soo baxeen dad tiradoodu ka badantahay Tobanaan Kun Oo Qof ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaalada Burco .

Wasiirka Madaxtooyadda oo fagaarahaasi kala hadlay dadkii halkaasi isugu soo baxay ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “ Runtii masuuliyiinta Dawladda iyo culimaduba way sheegeen dareenka doorashadu leedahay , markaa waxaan leeyahay doorashada dadku si xor ah ayay u tartamayaan ,laakiin waxaan leeyahay wixii shicibka ku xun iyo dhaqankaba lama ogola , baryo-na maaha.”

Masuuliyiinta Dawladana waxaan leeyahay waxyaabaha bulshada dhibta ku keenaya ama dhaqanka halaga hortago oo halaga ilaaliyo “ Sidaasi ayuu yidhi Wasiirku waxaanu hambalyo ku saabsan Ciida u diray bulshada ku dhaqan gobolka Togdheer,.

Sidoo kale Maayirka Degmadda Burco Maxamuud Axmed Xasan (Dhagolaab) oo isna halkaasi dadweynaha reer Burco kala hadlay ayaa ka warbixiyay hoos u dhac ku yimi taakulooyinka dhaqaale ee wadada isku xidhi-doonta Burco Hargeysa iyo dhismaha madaarka waxaana yidhi.“Reer Burcow laba mashruuc ayaynu wadnay oo gaar inoo ahaa kuwaasi oo kala ahaa dhismayaasha Madaarka Burco iyo Wadada Hargeysa iyo Burco isku xidhaysa markaa labadiiba way fadhiisteen xageenaanay ka fadhiisteen ,waxaanad moodaa taakulooyinkii iyo tuburucaadkii aynu ku wadnay in aynu dib uga fadhiisanay.”Sidaasi ayuu yidhi Maayirku waxaanu intaasi ku daray oo uu ugu baaqay dadweynaha reer Togdheer gudo iyo debed-ba in ay fadhiga ka kacaan oo ay naf iyo maal-ba isla garabtaagaan dhamaystirka labadan mashruuc oo uu xusay in ay gobolka faa’ido weyne ugu jirto.

Waxa kale oo iyana fagaarhaasi dadweynaha reer Burco kala hadlay isla markaana ku hambalyeeyay Farxada Ciida Badhasaabka gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayar , Dr. Cabdiraxmaan Axmed Raage iyo masuuliyiin kale oo kala socday culimo-awdiinta gobolka Togdheer ,waxaaney dhamaantood ugu baaqeen bulshada ku dhaqan gobolkaasi in ay ka qaybqaataan xoojinta nabadgelyada mudooyinka ay doorashadu socoto.

Sikastaba ha ahaatee Ciidan weyn ee Ciidal Fidriga oo guud ahaan wadama Islaamka maanta si weyn looga ciiday ayaa ku soo beegantay xili ay dalka Somaliland ka dhacayso doorashada golaha deegaanka oo ay imika maalmoyari uun inaga xigaan isla markaana gobolada dalka si weyn looga diyaargaroobay ,taasi oo ay kulala calaf-qaadayaan musharaxiin tiro badan iyo Todoba urur siyaasadeed .

Mahad Faarax Cabdilaahi
Somaliland.Org/Burco


TOP