Deegaamada Gobolka Awdal Si Wayn Looga Ciiday
Boorame (Somaliland.Org)- Magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal iyo deegaamada gobolkaasi oo dhan ayaa si weyn looga ciiday munaasibada ciidul adxaha.
dadwaynahu waxa ay ku waabariisteen takbiirtii salaada ciida, oo ay isku dareen masaaajida magaalada Boorama, Salaada badideeda, waxa lagu oogay goobo barxado ah iyo qaar ka mid ah gudaha masaajida magaalada, iyada oo ay dadwaynaha kala qayb galeen qaar ka mid ah masuuliyiinta qaranka.
Dadku yar iyo wayn waxa ay xidhnaayeen dhar aad u bilicsan waxana ay camireen goobaha laga cabo sharaabka, goobaha caruurtu ku ciyaarto, goobaha basaska laga raaco iyo goobaha kale ee barxadaha ah halkaasi oo ay madadaalooyin kala duwan ku qaadanayeen iyaga oo ay wajiyadoodu faraxsan yihiin.
Labo qof oo walba oo iska soo horbaxdaa, waxa ay isku salaamayeen si kal iyo lab ah, waxana ay isugu hambalyaynayeen salaanta ciida iyaga oo isku rajaynayay cimri dherer iyo caafimaad qab in Eebe ku gaarsiiyo sanadkan sanadkiisa.
Sidoo kale wararka kale ee shabakada caynabanews ka soo gaadhaya degmooyinka kale ee Saylac, Lughaya, iyo Baki ee isla gobolka Awdal waxa ay sheegayaan in dadwaynaha ku nool degmooyinkaasi si nabdoon ay u ciideen isla markaana ay meelaha qaar kala qayb galeen tukashada salaada masuuliyiin heer qaran ah.
Waxa intan dheeraa iyada oo aanay meesha ka maqnayn in xoolo aad u tiro badan lagu gawracay gudaha magaalada Boorama, waxana xoolahaas qaybo badan oo ka mid ah loo qaybiyay dadka masaakiinta ah, fuqarada iyo dadka kale ee xanuunsanaya ee ku jira cisbitaalada.
Boorama galinkii dambe ee manta roobabkii xayska ayaa ka curtay isla markaana waxa dadka farxadii ciida u xigay roob aan badnayn oo lagu qabawsaday, kaasi oo laga soo sheegay in ay naacawdiisu gaarsanayd magaalooyin kale oo ay Lughaya ka mid tahay.
Cabdalle Cali Yuusuf
Somaliland.Org/Boorame
