Mas’uuliyiinta Haamaha Shidaalka oo Beeniyay in xukuumaddu dalka keentay shiidaal wasakh leh

Hargeysa (Somaliland.Org)- Mas’uuliyiinta Haamaha Kaydka Shidaalka ee magaalada Berbera, ayaa maanta beeniyay warar ay qoreen jaraa’idka ka soo baxa magaalada Hargeysa oo sheegayay in xukuumadu dalka keentay shiidaal wasakhaysan.

Mas’uuliyiintan sare ee Haamaha Kaydka Shidaalka ee magaalada Berbera ayaa shirjaraa’id oo ay ku qabteen xarunta Haamaha Kaydka Shidaalka waxay ku beeniyeen warar ay ku tilmaameen been abuur oo ay qoreen qaar ka mid ah jaraa’idka, taas oo ay sheegeen in xukuumadu dalka keentay shidaal wasakhaysan. Waxaanay mas’uuliyiinta Haamaha Shidaalka Berbera si cad u soo bandhigeen shidaalka kala duwan ee ku jira Haamaha Kaydka Shidaalka, taas oo ay ku xaqiijinayeen in shidaalkaasu yahay mid nadiifa.

Maareeyaha Haamaha Shidaalka Kaydka Cismaan Cali Barkhadle (Shiine) oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa wararkaasi ku tilmaamay warar been abuura oo aanay waxba ka jirin, waxaanu tilmaamay in warkaasi ay qoreen dad dano gaara ka lihi.

Waxa uu Maareeyaha Kaydka Shidaalka Berbera xusay in Haamaha Kaydka Shidaalka lagu shubo ay dawlada Somaliland ay uga wakiil yihiin, waxaanu tilmaamay in Haamaha Kaydka Shidaalka lagu shubo shidaal nadiifa ka hor intaan shidaalka lagu shubin la tijaabiyo, isla markaana la eego in shidaalkasi yahay shidaal ku shubmi kara Haamaha.

“kani waa filtarkii shidaalka wasakhdana ka qabanayay haddii ay wasakhi jirto, siduu u dhalaalayo waad arkaysaan, kana waxa weeye naaftadii aanu ka soo qaadnay saambalada ku jira tawaangida, way muuqataa in aanay madowna ahayn cadaana ahayn ee ay tahay kalarkii loogu talo galay naaftada, sida ay tahayna safeeyar ayaanu ka soo qaadanay Jabuuti safeeyarkaa waxa heshiish ku ah Haamaha Shidaalka Berbera iyo cida shidaalka ku shubanaysa ama shirkadaha ganacsi ee liisanka u haysta inay shidaalka keenaan, ayaa soo wada qaata oo keena Berbera, marka la eego labadayada warqadood waanu saxeexnaa dabadeed haddii ay noqoto in shidaalkaasi wanaagsanayn laguma shubo Haamaha.”

Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay Rashiid Caydiid oo ka mid ah kubarada mudo ka shaqaynayay Haamaha Shidaalka Berbera, ayaa wxa uu warkaasi ku tilmaamay mid ay ka muuqato jaahilnimo, isla markaana waxa uu tilmaamay in aanay wax ba ka garanan shidaalka jaraa’idka warkaas qoray.

Sidoo kale waxa kaasi ka hadlay mas’uul u hadlay shirkada Afgale ee Laydhka u shida magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu laga xumaado ku tilmaamay dacaayadaasi lagula kacayo shidaalka Somaliland, waxaanay tilmaameen in ay ka mid yihiin macaamiisha sida joogtada ah u isticmaasha Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera, aanay marna ka arag wax dhibaato ah.

Somaliland.Org/Berbera


TOP