Masuuliyiinta Iyo Musharixiinta Waddani Togdheer Oo Tacsi U Diray Marxuum-C/Laahi Siciid Dheer
Burco (SMasuuliyiinta urur siyaasadeedkaWaddaniee gobolka Togdheer oo ay weheliyaan musharixiinta golaha deegaanka ee degmadda Burco ayaa tacsi u diray geeridii naxdinta lahayd ee ku timi guddoomiye ku xigeenkii 3-aad ee ururkaWaddaniMudane Cabdilaahi Siciid Dheere oo laba cisho ka hor ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay jidka u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera .
Masuuliyiintan oo shir jaraa’id oo baroor diiq ah maanta ku qabtay xarunta ururkaWaddaniee magaalada Burco ayaa marxuumka Ilaahay uga baryay in uu janadii Fardawsa ka waraabiyo isla markaana Qoyskii ,axsaabtii ,qaraabadii iyo ururkii uu ka baxayba samir iyo Iimaan ka siiyo.
” Waxaanu maanta shirkan jaraa’id u qabanay oo aanu halkan Tacsi ugu diraynaa geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Guddoomiye ku xigeenkii Sedexaad ee ururkaWaddanioo ka mid ahaa tiirarka ururkaWaddaniMarxuum Cabdilaahi Siciid Dheere waxaananu leenahay Ilaahay janadii ha ka waraabiyo Qoyskii iyo xisbigii iyo qarankii uu ka baxayna Samir iyo iimaan ha ka siiyo ” Sidaasi waxa yidhi Guddoomiyaha ururkaWaddaniee gobolka Togdheer Xuseen Kaahin.
Sidoo kale waxa iyana halkaasi ka hadlay oo marxuumkan Tacsi u diray isla markaana ka sheegeeyay taariikhda iyo kaalintii uu ururka kaga jiray Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan iyo Jaamac Sidiiq oo isna ka mid ah masuuliyiinta ururkaWaddani,waxaaney dhamaantood Ilaahay uga baryeen in uu naxariistii jano ka waraabiyo.
Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay oo Tacsi u diray guddoomiye ku xigeenkii Sedexaad ee UrurkaWaddaniee geeriyooday musharixiin ka tirsan ururkaWaddaniee degmada Burco u taagan.
Mahad Faarax Cabdilaahi
Somaliland.Org/Burco
