Siyaasigga mucaaridkii waa kuma, maxaase looga baahanyahay?

Siyaasigga mucaaridkaa waxaa looga baahanyahay talaabo kasta oo uu qaadaayo in uu ixtiraamka iyo sharafta koowaad siiyo dalka iyo dadka oo ah kuwa Siyaasigga shaqaalaysiiya ama u igmadda hawlaha Qaranka, iyadoo laga duulaayo dareenka, dadnimadda, aqoonta, firfircoonidda, alle ka cabsigga iyo isku haynta shacab weynaha reer Somaliland guud ahaan oo ah albaabka laga soo gallo masabka rag raadcadiisa ku jooggo oo ninna dariiq dhaba ku taaganyahay, ninna qarda jeex iyo maxaa hawl la taransaday xaalkiisu yahay, oo ujeeddo iyo ka jeeddo asaasiya oo horumar dhaba lehi aanay jirin, haba yaraatee.

laakiin iska galgalashadda boodhka iyo boolidda iyo woohoydu isaga tahay balwad iyo baro layska laasimey oo dhiriqdda layska dabaasho ama lagu gelgelimaystaba.

taasi oo keenaysa in kalsoonidda iyo taageeradda shacabku ay ka sii durkayso kuwa hab dhaqankaasi leh ee inta loogu xusho siyaasigga aan haybadeedda, milgaheedda iyo maamuuskeedda lahayn. Shaqsiyaadka noocaasi, waxay had iyo jeer dareenka shacabka ku raadiyaan cay, habaar, dagaal iyo af dacar iyo deelqaaf mooyaane samaha iyo kelmedda towxiidkaba aan karin oo sifo khaldan ay ugu weeraraan amrahana Qaranka iyo kooxdiisa. waxay isu yaqaanaan rag waaweyn, laakiin aan lahayn miisaanka halka ay iska eegayaan ama doorka caqligooddu aaminsanyahay inay tarajo ahaan buuxin karaan ama ummadda kaga jiraan.

Qoraagga faaladani waxuu qirayaa oo hab ay ku dheehantahay cadaalad, eexdaro, geesinimo, indho furnaan, beeldaajisnimo ka madax banaan qabyaalad iyo qudhunka rag badan hulaabanyahay, oo qaybaha deegaanadda iyo bulshadda kala duwan ka soo kala jeedda aaminsanyahay aanay agtiisa oolin, caqliggiisa ku jirin ama kuba fekerin tan iyo intii uu raad dhaqaajiyey ee bulshadda si toosa ula jaan qaaday ka mid noqoshadeedda hufan iyo ka qayb qaadashadda arimaha bulshadda ee kala duwan si haboon oo hufan, waxuu qirayaa inay jiraan Siyaasiyiin mucaaridda oo ah kuwa safka hore ee mucaaridaddu qaar doorkoodda iyo shaqsiyadooddu tahay mid ixtiraam iyo maamus mudan oo marnaba aan laga indha qarsan karin, inkasta oo raggu kala asxaabyahay oo Xisbiyo iyo Ururo kala duwan lagu jiro, hadana qalbiga saliimkaa ee ka madaxbanaan inta laysku caayo ayaa hoosta kaga heesaaya, ( waa laysu soo noqon waxii nool aduunyadda) oo macnaheeddu yahay kuma diidani ee kala dan ayaan nahay maanta, oo waxaanu sacabka u tumaynaa Geesi garabkiisa iyo guushiisa ummaddu aad ugu diirsatay oo u baahan in fursad loo siiyo inuu cararo inta uu carari karo ee wax wanaagsan ka qaban karo hawlaha Qaranka ee dhamaanteen shacab ahaan danteennu ku wadda jirto, geesigaasi oo si weyn ugu fool dhaqay qarankii dhamaa, una dhaashey oo dhalaalkoodda Qaarad aan ka markhaati kacayni aduunka ayna jirin, taasi oo ka dhigaysa bogcadan Somaliland mid lagu soo hirto, oo inuun ninkii imaan iyo dadnimo ku hadhay dib u fadhiistay oo gujadda iyo garbinta aan cilmigga ku fadhiyin ka daayey hawl wadeenaddii Qaranka waa hore.

Siyaasigga waxaan u kala qaadayaa sadex anigoo aan ninna waranka u dhoweynayn ee cidla dhaabaaya, isla markaasina aan shaqsi gaara ku socon ama adyad iyo afxumo ula badheedheyn, xaashee nin xariir ka ah ayaan ahay karaama dilka iyo ninna quusinta, ninna qiimaynta. Siyaasigga mucaaridkaa waxaan u kala qaadayaa afar ee sidda muraayadda isagga dhex eegga, adigoo qiimayn ku samaynaaya qab dhaqankaagga qofnimo iyo geedi socodka Siyaasadaadda qofnimo iyo doorka maanta aad ku leedahay Siyaasadda Jamhuuriyadda Somaliland khayr iyo khasaare, Hadaba waxaan ku cabirayaa afartan darajo ee hoos ku xardhan.

1- Siyaasi waa faras oo haybadiisa iyo karaamadiisu waa mid ummaddu si weyn u qirsantahay oo waxii uu garan waayo qoorta iyo qoobka ayuu ku tilmaamaa, isagoo cod cajiiba oo dananaaya dadka ugu tilmaama waxii wax ka qabasho u baahan ee si caama laysula ogoyahay, dadku markasta soo dhoweeyo doorkiisa mucaaridnimo.

2- Siyaasi waa Awr hayina oo aan haamaha la buubin oo gaadiid qaadkiisa iyo taakulaynta reerka markasta qayb weyn ka ah, wuu doobiyaa oo qurux ayaa ka muuqata, waxii loo dirana wuu mid lagu aamini karo, laakiin habeed ayuu leeyahay.

3- Siyaasi waa Orgi oo baadda ayuu hayaa hadh iyo habeen oo mar kaliya afkaasi iskuma daro, geedka, gurigga iyo dadka waxii uu arko baa, baa ayuu ku leeyahay, gaadiid qaadna ma laha oo Orgi ayuu ka yahay, qayladiisu waxay dhiirigelisaa cadowga iyo inta halsita u ah Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo intaasi waxuu fadhayaa oo waraaqaha iyo Mareegaha marinaya inta liicinaysa Qaranka.

4- Siyaasi waa Dameer oo isagu xumaan iyo samaan meel laysla maraaya warba kama hayo ee xaalkiisu waa iihaa, iihaa oo hadh iyo habeen caruurta iyo duqaydda ayuu hurdadda ka kiciyaa, saaxiibaddii iyo inta xumaha ay ku wadda hawlanyahiin sadex iyo afar ma dhaafto tiradooddu, wuu fooraraayoo farxad iyo murugo maba kala ogga ee xaalkiisu waa hebel oo u muuqdda, barwaaqadda, biyaha iyo badhbadhaadhayda dhacday maba ogga ee xalkiisu waa iihaa, iihaa iyo hebel oo uu si khaldan ugu jihaysanyahay.

Afeef cidna si gaara qormadani uma durayso, duulaanna kuma aha, laakiin haddii ay cid daabaqadisay oo habdhaqankan laga yaabo inuu leeyahay qormadda ayaa daabaca ku dhufatay ee aniga maha mana shiishin.

Cabdilahi Cali Xassn John
North West England
UK


TOP