Somaliland Iyo Scotland Oo Ku Mataanoobay Ictiraaf Raadinta
Edinburgh (Somaliland.Org)- Raysal-wasaaraha UK, David Cameron ayaa la filayaa inuu maAnta heshiis la saxeexdo Wasiirka koowaad ee Scotland Mr Salmond, taasi oo u ogolaanaysa dadka reer Scotland inay qabsadaan afti taariikhiya oo madaxbanaanidoodda ah, David Cameron ayaa maanta kula kulmaya Alex Salmond Edinburgh Scotland, ka dib wadda xaajood soconaayey oo ku saabsan siddii cod bixintaasi dayrta 2014.
Hadaba kulano khaasa oo u dhexeeya labadda dowladood ayaa waxay dabooli doonaan qodobo dhowra oo ku saabsan su,aasha waraaqda codeynta ku xardhan oo noqon karta mid kooban oo ah khitiyaar Haa iyo Maya oo keliya. Soo jeedinta su,aasha ku xigta awood dheeraadda siin iyo madaxbanaani kooban oo ay soo jeedisey Xukumadda UK.
Aftidan ayaa u ogolaandoonta sidda lagu waddo inay codeeyaan da,aha 16 ilaa 17 jir sidda ay u ololaynayeen ama taageersanyahiin Xisbiga Wadanigga ee Scotishku. Dhacdadan mahiimkaa ayaa go,aamindoonta qiyaaso farsamo oo loo yaqaano cutubka 30aad, kaasi oo awood ay u siinayso Westminister holyrood si loo sharciyeeyo, waxuu balan qaaday Raysal wasaare David Cameron in isku haynta wadanka Uk tahay mudnaantiisa koowaad.
Waxaanu hadal ku yidhi arintani waxay sumad cad u tahay bilowga bog cusub oo u bilaabanta sheekadda iyo ogolaasha Scotland oo dood dhabii ka curan doonto oo jidka ayey adkayndoontaa, sidaasi daraadeed su,aasha ugu weyn heshiis ayaa laga gaadhi doonaa, kala bixidda Scotland iyo United Kingdom? Waxaan ka geysan doonaa muran dhaba arintayadda United Kingdom, waxay u taallaa dadka reer Scotland inay qaataan talaabadaasi taariikhiggaa, mustaqbalka Scotlanda waxuu ku jiraa Go,aanka ay ka qaataan arintan, waa mid aad mahiim u ah, heshiiskani waxuu u keenidoonaa dadka afti.
Mr Salmond waxuu xafiday sharciyadda lagu qabanayo aftidda ka dhacaysa Scotland, isagoo ku guulaystey, tiradda ugu badan taageerayaashii ugu badnaa ee Xisbigiisa oo aan hore u dhicin ( scotish National Party) doorashaddii sanadkii hore. Waxaa kale oo uu yidhi dadka reer Scotland waxay sanadkii doorashaddii dhacdey siiyeen dowladda Scotland sharciyad dhaba siddii loo qaadi lahaa Scotland afti mustaqbalka 2014.
Heshiiska aan rajeynaayo in aan la gaadho Raysal wasaaraha waa midka xaqiijin doonna, maha in afti uun laga qaaddo dadka reer Scotland, laakiin inay doortaan xaqoodda asaasigaa ee ay leeyahiin dadka reer Scotland oo mustaqbalkayaga dhamaanteen aan ixtiraanno, Heshiiskani waxuu noqon doonaa Scotland inay qaaday talaabo mahiima oo dhinaca madax-banaaniddaa iyo si cadaaladda in loo samaynta Scotland Barwaaqo aan hello, waxaan rajeynayaa in si haboon uga shaqayno codeynta ( HAA ) sanadka 2014.
Hadaba wadankan Uk oo ah saaxiibka ugu weyn ee Jamhuuriyadda Somalilanda, isla markaasina ah isticimaarkii xornimadda Somaliland siiyey sanadkii 1960 ayaa in dhoweydba somaliland iyo ololaheedda citiraaf raadinta, arintan oo ay aabe u tahay dareenka iyo doonista Scotishka oo doonaaya inuu si toosa uga go,o wadanka Great Britain, arintan oo Somaliland wax badan ka laashay oo dhinaca madaxbanaanidda iyo citiraafka ku saabsan.
Arrintu si kasta ha ahaatee Somaliland waxay gaadhey xaalad aan cidinna indhaha ka qarsan doonin doorkeedda dowladnimo iyo xasiloonidda weyn iyo dimuquraadiyadda si haufan uga hanna qaaday oo indhaha caalamka oo dhami si taaso ula socdaan, isla markaasina la filaayo ciddii ugu horeysey inay ku dhawaaqdo kelmedda Somaliland u jeelka qabtey muddo dhowr iyo labaatan sannaa oo dowladnimo buuxda Somaliland haysetey, isla markaasina buuxisey shuruudahii dowladnimo.
Waxaa Diyaariyey Cabdilahi John
