M/ Ku xigeenka oo shahaadooyin Guddoon siiyay 513 arday oo ka qalin jabiyay Jaamacada ADMAS
Hargeysa(Somaliland.Org)– Arday tiradoodu dhan tahay 513 (Shan boqol iyo saddex iyo toban) ayaa ka qallin-jebiyey culuumta kala duwan ee lagu barto Jaamacadda Admas.
Ardaydan oo ah dufcadii 4aad ee ka qallin-jebisa jaamacadaas oo xaflad maanta loogu dhigay hudheelka Maansoor waxa ka soo qaybgalay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirrada Madaxtooyada, Arrimaha Dibadda, Caddaaladda iyo Ganacsiga, Agaasimaha Tacliinta Sare Khadar Axmed Diiriye, Madaxweynaha Jaamacadda Admas qaybteeda magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya Mr. Molla Tsegaye, maamulka iyo hormoodada kulliyadaha Jaamacadda Admas iyo dadweyne aad u tiro badan.

Guddoomiyaha Guddida Jaamacadda Admas Axmed Daahir Cadnaan oo halkaas ka hadlay ayaa u hambalyey ardayda qallin-jebisay, waxaannu sheegay in ardaydan tayadooda waxbarasho aad u sarrayso, isagoo arrintaasna ku sababeeyey macallimiinta ardayda wax soo bartay oo ah buu yidhi qaar sita shahaadada ugu sarraysa ee PHD-da.
“Jaamacadda Admas waa jaamacad aasaastay xidhiidh waxbarasho caalami ah, waxaanay markii hore ku aasaasantay fikrad aah anigu guddoomiye ka ahaa, balse maanta way ka ballaadhatay, sababtoo ah waxa hormood ka noqon doona toddoba jaamacadood oo ku kala yaala Yurub iyo Maraykanba,” ayuu yidhi Mr. Axmed Daahir Cadnaan.
Madaxweynaha Jaamacadda Admas ee qaybta Itoobiya Mr. Molla Tsegaye oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in jaamacadda Admas uu hadafkeeda guud yahay inay soo saarto arday tayo leh oo aanay xoogga saarin tiro badnaantooda, waxaannu xusay inay taasi keentay in Jaamacadda Admas kaalinta koowaad ka gasho qiimayntii Jaamacadaha Itoobiya lagu sameeyey, isagoo ballanqaaday inay dhawaan jaamacada ku soo kordhin doonaan shahaadada Master Degree.
Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa isagu sheegay in ardayda soo baxda xukuumad ahaan ay wax la qaban doonaan, waxaannu yidhi;“Waxaan hambalyeynayaa dawladda Itoobiya oo noo soo maanguurisay aqoontii si dalkeena iyo dadkeena ay inoola dhisaan, taasoo sii wanaajinaysa xidhiidhka inaga dhaxeeya.
Waa tixgelin aannu tixgelinayno waxbarashada in wefti intaas leeg aannu idinkala soo qaybgalno xafladan qallin-jebinta, dad baana yidhaahda oo ka naxa ardayda soo baxaysa dhibaatay dalka ku noqonaya.
Ardaygu mida koowaad jahligiibu ka baxay, dalka iyo dadkana waxbuu taraya, haddaannu xukuumaddii nahay annagoo Ilaahay talo saaranayna, waxaannu inaanay ardayda soo baxaysa dhibaato noqon oo qarankan shaqo looga abuuro.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa isagu sheegay in muhiimad gaar ah u leedahay Somaliland oo ay qayb weyn ka qaadanayso xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya.
Agaasimaha Tacliinta Sare Khadar Axmed Diiriye, ayaa isaguna soo dhaweeyey ardaydan qallin-jebisay, isagoo sheegay in aqoontu muhiimad aad u saraysa leedahay.
Ugu dambayntii Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Saylici iyo Madaxweynaha Jaamacadda Admas ee Itoobiya Mr. Malla ayaa shahaadooyinkii guddoonsiiyey ardayda culuumta kala duwan ee jaamacada lagu barto ka qallin-jebisay.
