Ardayda Kuliyada ICT-ga Ee Jaamacada Hargeysa Oo Xaflad Sagootin Ah U Sameeyey 160 Arday

HARGEYSA(Somaliland.Org) – Xaflad balaadhan oo habeenkii xalay loo sameeyay ardaydii ka qalin jabisay kuliyada ICT-ga ee Jaamacada Hargeisa, oo ka qabsoontay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa waxa kasoo qayb galay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cali Siciid Raygal, madaxa komishanka ICT-ga Somaliland Cali C/laahi Daahir, hormoodka kuliyada ICT-ga ee jaamacada Hargeisa Pro Mustafe Ismaaciil Ceelaabe, macalimiinta waxa ka dhiga kuliyada iyo arday tiro badan oo ay ka mid ahaayeen 160-ka arday ee kuliyada ka qalin jabiyay sanadkan.

Munaasibadan waxa ugu horeyn ka hadlay hormoodka kuliyada ICT-ga ee jaamacada Hargeisa Pro Mustafe Ismaaciil Ceelaabe, oo si qoto dheer uga warbixiyay kuliyada ICT-ga isaga isaga oo sheegay in sanadkan ay ka qalin jabiyeen kuliyada arday gaadhaysa 160-arday halka sanadkii hore ay ka qalin jabiyeen 58-arday, isaga oo tilmaamay in faraqa u dhexeeya ardayda qalin jabisay labada sano ee is xigaa ay muujinayso heerka horumarka ah ee lagu talaabsaday. Isaga oo dardaarankiisa sii watana waxa uu sheegay in ardaydu gashay xaalad ka gadisay tii waxbarasho ay qoyska tooska ugu tiirsanaayeen waxana uu ardayda kula dardaarmay in ay nolosha la jaan qaadaan isaga oo tilmaamay in aqoonta jaamacadu ka caawin doonto waxa uu doonayo.

Sidoo kale waxa xafladan isaguna ka hadlay Cali Xassan Axmed oo ka mid ah macalimiinta wax ka dhiga jaamacada Hargeysa gaar ahaan kuliyada ICT-ga waxana uu u soo jeediyay ardaydaas inay ku da’daalaan sidii ay kor ugu sii qaadi lahaayeen barashada aqoonta waxaanu yidhi “hada waxaad ka baxadeen oo dhamayseen qayb ka mida waxabarashadii Jaamacada waa in aad is waydiisaan xageebaad u socotaan maxaase idiin xigidoona, Jaamacadu aqoon ayay idin bartay waxase loo baahan yahay inaad is waydiisaan maxaynu ku anfici karnaa dalkeena iyo dadkii waxa ina soo barayba, Macalinku waxa uu kula dardaarmay ardaydaasi inay qabsadaan xadhiga ALAAH oo ay cibaadada xoojiyaan.”

Geesta kale waxa isna madashan ka hadlay Cali C/laahi Daahir, madaxa komishanka qaranka ee ICT-ga ee Somaliland, waxa uu yidhi “waxad soo dhamaysateen maraaxil ka mid ah nolosha waxana idin sugaya maraaxil kale. waxad soo gaadheen maraxalad aad go’aamin karto noloshaada inta hadhay” Cali C/laahi Daahir, waxa kale oo uu ka markhaati kacay in marxalada ay ardaydu gashay ay tahay marxad adag. Ugu danbayna waxa uu ardayda kula dardaarmay in ay sii wataan waxbarashada hadii ay u suurto gasho.

Waxa sidoo kale xafladaasi ka hadlay Wasiirka ciyaaraha Cali Siciid Raygal, oo tilmaamay in ardaydu ku daasho sidii ay shaqo u heli lahaayeen waxa uu yidhi “Marka ay ardaydu qalin jabiso waxa ay ku da’daalaan halka ay shaqadu ka xigto, anigu waxan aaminsanahay in qof wax bartay uu garanayo halka shaqadu ka xigto. Laakiin ardaydu in ay ku jaho wareerto maaha halka ay shaqadu ka xigto”.

Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “85%-kiiba waa dhalinyaro shaqaalaha dowladu” ugu danbayna waxa uu ardayda kula dardaarmay in la kala duwo waxbarashada si loo kala helo fursado shaqo.

Gabo gabadii munaasibadaasi waxa hadal ka jeediyay Mustafe Aadam Muuse madaxa xafiiska Iibgeynta iyo xidhiidhka daweynaha ee shirkada Telesom waxana uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay ardayda qalin jabisay ee dhamaysatay culuumta ICT.ga ee jaamacada Hargeysa isaga oo xusay kaalinta ay shirkada Telesom kaga jirto horumartinta arimaha Jaamacada waxana uu yidhi “shirkada Telesom waxay jaamacada Hargeysa u dhistay dhisme si casri ah loo dhisay oo ka kooban 3 qol oo ay qalabayntiisii ku baxaday lacag dhan $ 150’000 oo Dollar, waxaad moodaa inay dadku iska jecelyihiin wax yar ooh al maalin loo qabto balse aanay indhahoodu qaban waxa dhaxal galka ah ee aanu u qabano”.

Sagal C/raxmaan Axmed(filibiin
Somaliland.Org/Hargeysa


TOP