Ha’yadda WFP oo Lagu Qabtay Badeecado dhacay oo ay dalka Keentay
Burco (Somaliland.Org)- Hay’adda Ilaalinta Tayada agabka Somaliland ayaa shalay gacanta ka dhigtay Buskud dhacay oo ay Ha’yada qarammadda midoobay u qaabilsan Cuntada ee WFP ay dalka soo gelisay isla markaana loogu tallo-galay inay u qeybiso bulshada Somaliland.
Sidaasi waxa shalay magaalada Burco kaga dhawaaqay Guddoomiyaha Ha’yada Ilaalinta Tayada agabka Siciid Saleebaan Mire, waxaanu Ha’yadaasi ku eedeeyay inay dhaqan joogto ah ka dhigatay inay bakhaaradeeda ku haysato Buskad dhacay oo uu tilmaamay inay u qeybiso bulshada Somaliland.
Guddoomiyuhu waxa uu ku dooday inay Tallaabo adag ka qaadi doonaan Ha’yadan oo uu xusay inay wax u dhimayso caafimaadka bulshada Somaliland, iyadoo shuruucda caalamiga ahi mamnuucayso in badeecad dhacday la qaybiyo. Siciid Saleebaan Mirre waxa uu sheegay in Ha’yada WFP lagu qabtay badeecado dhacay markii labaad iyadoo kal-horena lagu qabtay Raashin dhacay, arrintaasi oo sababtay in xukuumadda iyo Goleyaasha baarlamaankuba ay si adag u cambaareeyaan Ha’yadan.
Guddoomiyuhu waxa kale oo uu ka hadlay dawooyin dhacay oo ay ku qabteen gudaha magaalada Burco, kuwaasi oo ay sideen Baabuur kuwa xamuulka ah.
waxaanu Ganacsatada ugu baaqay inaanay bulshada ka iibin badeecado dhacay, isagoo ku hanjabay in cidii falkaasi lagu qabto sharciga la horkeeni doono. Siciid Saleebaan waxa uu ammaan u soo jeediyay hawl-wadeenada Ha’yada ilaalinta tayada agabka oo uu ku dooday inay heegan ugu jiraan sidii ay ula tacaali lahaayeen badeecadaha dhacay ee laga baayac-mushtareynayo.
Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com
