Xukumadda maantu hadafkii iyo himiladdii loo doortay fulisey!
Ugu horayn waxaan hanbalyo u dirayaa shacabka reer Somaliland guud ahaan bogcad kasta oo dalka iyo dibadda ay kaga noolyahiin, aniga oo ujeedadda hanbalyadaydu tahay horumarka iyo himiladda badhna aan gaadhney inta kalena aan hiigsanayno. Waxaa mahad iska leh ilaahay oo inoo suurageliyey amuurahan wanaagsan ee Nabadgelyadda, Caafimaadka, Siyaasadda, Waxbarashadda, Ganacsiga iyo dhaqaalaha oo intuba si habsamiya u kobcaaya maalinba maalinta ka danbaysa, oo rajo iyo yididiilo dhaba gelisey muwaadiniinta reer Somaliland guddo iyo dibadba, oo qurba joogu ay si habsamiya ugu soo hiloobayaan dhulkoodda hooyo iyo siddii waxa wanaagsan ee gudda joogu gaadhey ay wax ugu sii kordhin lahaayeen, sidda Aqoonta, Ganacsiga, Xirfadaha shaqo iyo Shaqo abuuris dhaba oo dalka xaaladiisa bulsho tayeysa ama kor u qaadda.
Waxaa amaan weyn mudan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaayo oo dalka ku hogaaminaaya dariiqii dhabtaa ee shacabku ugu codeeyey doorashaddii madaxtooyadda ee dalka ka dhacday 2010. Tan iyo intii kursiga loo dhaariyey Madaxweyne Siilaanyo iyo kooxdiisa garbaha la haysa Qaranka, waxay gaadheen horumar iyo dib u dhis balaadhan oo dalkani ku talaabsaday oo dhamaan ku jaan go,an dhinacyadda noloshaha aadamaha asaaska u ah ee Nabadgelyadda, Dhaqaalaha, Waxbarashadda, Caafimaadka Siyaasadda gudaha iyo dibadda oo dhamaan xukumadda Axmed Siilaanyo ay oroday masaafad aad u balaadhan oo ninkasta oo madaxweyne doonaaya iyo hogaanka dalka looga baahanyahay inuu dalka iyo dadka gaadhsiiyo, isla markaasina leeyahay Aqoonteedda, Samirkeedda, Dulqaadkeedda iyo Xaruurinimadeedda iyo isku xidhka Qaranka guud ahaan.
Waxaan mahad mudan madaxweyne ku xigeenka Qaranka Cabdiraxman Saylici oo ah madaxweyne ku xigeen bisil oo og hadba talaabadda iyo wax qabadka xukumadda looga baahanyahay oo dalka iyo dadka u horseedaaya nolol tayo fiican leh iyo isku filaansho weyn oo wadaagga oo dalka oo dhan si wadda jira oo cadaaladda iyo sinaan ku dhisan sidda hogasha roobka uga curtay dalka, oo si fiican u biyo dhigtay bari ilaa galbeed, isla markaasina indhaha shacabku arkayaan dareemadda iyo doogga ka soo boodey oo indhaha, qalbiga iyo quluubtu ay si fiican ugu raaxaysanayaan had iyo jeer, muddo weliba kooban oo qaderinteedda leh, wakhtiga ka sii badan qiimeynteedda aan iska ognahay inuu yahay hodmid dhaba iyo suxulo ka leef iyo barqo fadhiiisi dhaba oo nin nin cantuugasiisa u fiirsan iyo waxa afkiisa uu ku waddo.
Waxaan mahad balaadhan u jeedinayaa wasaaraddo dhowra iyo masuuliyiinta ka hawl galla oo xaqiiqatan naga mutaystay sacabin iyo siin taageero dhaba, marka wax qabadkoodda qiimayn lagu sameeyo. Waxaan aad u amaanayaa wasiir Sacad Cali Shire oo aanu hoos u ognahay dadaalkiisa iyo shaqsiyadiisa qofnimo, wasiirka caafimaadka Xuseen Xoog oo doorkiisa shaqo nuurkeeddu aad u weynyahay, Waxbarashadda Marwo Zamzam Cabdi oo ah wasiir ummaddu aad u jeceshahay, qiimaynta waxqabadkeedda wasiirnimona tahay bartilmaameedkii laga rabey mid gaadhey. Wasiiradda Xanaanadda xoolaha, ganacsiga, kaluumaysiga, Arimaha Gudaha, Arimaha Dibadda, Madaxtooyadda, hawlaha Guud, duulista iyo hawadda, warfaafinta iyo wacyi gelinta, dhalinyaradda iyo ciyaaraha iyo dhamaan Golaha wasiiradda ayaa ah qaar dadaal iyo dagaalka Qaranka ee hore loogu raraayo dalka iyo dadka uu sidda cadceedda u cadyahay dhamaan waxqabadkooddu oo ah mid lagu farxo oo garowshiyo iyo aqoonsi intaba shacabku qalinka ugu jiidey oo si dhaba uga markhaati kacay, wasiir weliba intii hawlaha Qaranka uu qabtay iyo masaafadda uu cararay.
Waxaan isagana aad mahadnaq iyo bogaadin weyn dusha kaga rushaynayaa Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo biyaha iyo tamarta, mudane Xuseen Cabdi Ducaale oo shacabku aad ula dhacsanyahay shaqadiisa iyo hawl galkiisa wasiirnimo oo danta guud ee dalka wax weyn ka qabtay tan iyo intii xilka wasaaradda uu gacanta ku qabtay. Wasiir xuseen waxaa hubaala in dalkan uu biyo iyo baasiinba ka soo saari doonno haddii lala shaqeeyo oo danaha gaarkii ka daayaan gujadda, hadalka deelqaafkaa iyo cadiifadda aan cilmiga ku fadhiyin ee sumadda khaldan leh. Waxaan kale oo mahad balaadhan u jeedinayaa maayaradda Goboladda dalka iyo badhsaabyadda guud ahaan oo nin kastaa laynka halkuu kaga jiraa cadahay, kuna amaananyahay, Gaar ahaan maayarka magaaladda Berebra Cabdalle Sandheere, mudane Ramaax, Cali Xoor-xoor oo Berbera ka dhigay marso aan qodax iyo dulin midna oolin.
Hadaba, waxay tahay fariinta aan shacabka gaasiinayaa, dhowaan jiidaalka kalaxa ayaan daraynaa oo dibadda waxba ugama baahan doonno ee waa in hadafkeenna iyo ujeedadeenna horumarineed noqotaa mid qof kasta lagu amaano tayadda iyo hawl karnimadda uu la golle yimaaddo oo si weyn loogu qaderiyaa, sidda xubnaha aan kor ku soo xusay, dabcan masuuliyiinta Goboladda Sool, Sanaag, Togdheer, Maroodi-jeex iyo Awdal, Daad-madheedh, Hawd, Saraar iyo Selel idilkoodba waxay mudanyahiin qaderin xushmad ku salaysan waxqabadkoodda masuuliyadeed.
Waa la doogiye yaan la dacaroon, dalku waxuu ku socdaa dariiq saxa oo ah halkii reerka hayaankaa lagu furi lahaa, ee waa in aan danta gaarkii ka xoog weynaan danta guud iyo Qarannimadda iyo wadda-jirka ummadda reer Somaliland oo qof ama koox khaldani qasab iyo qiiro wax isaga odhodhan!!!!!!
Cabdilahi Cali Xassan John
North West England
UK
