Nuxurka Qodobo ka soo baxay Kulan Garsoorka dalka ugu xidhmay Boorame
Boorame (Somaliland.Org)- Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali ayaa shalay ka qayb galay xidhitaanka kulan muddo 4 maalmood ah uga socday Boorame bahda Garsoorka Gobolka Awdal iyo Gudoomiyayaasha Maxkamadaha Gobolada dalka Somaliland.
Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah oo mudadii uu socday aan loo ogolayn saxaafada ayaa waxa lagu gorfaynayay hormarinta garsoorka iyo cadaalada Somaliland iyo mawduuca ah Maxkamadaha Guur-guura oo dalka ka hana qaadi doona si loo sugo garsoorka iyo cadaalada
Guduumiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali iyo Badhasaab ku xigeenka Awdal Cabdiraxmaan Nuur Sugaal oo la hadlayay garsooreyaasha uu kulankani u dhamaaday ayaa waxa ay labaduba ku dardaareen sugida cadaalada iyo gudashada waajibaadka dhinaca garsoorka ah oo ay xuseen inuu yahay mid ay ummada reer Somaliland si balaadhan ugu baahan tahay.
Kulankan ayaa waxa laga soo saaray go’aamo xasaasi ah oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray saxaafada waxana ay u qornaayeen sidan:
Kulankan mudada 4-ta cisho ahaa oo ku saabsanaa labada Qodob ee kala ah:
• Maxkamadaha guura
• Dhaqangelinta Case mManagement ( Maaraynta Gal dacwadeedka
Waxaa ka soo baxay
1. In Guddoomiye kastaa markuu ku noqdo goobtiisii in uu u sheego shaqaalihiisa dhaqan-gelinta nidaamka cusub ee maaraynta geeddi socodka dacwadaha.
2. In sideeda loogu dhaqmo wareegtada Ku taariikhaysan 20/09/2012, taas oo wax badan ka taraysa cabashadii dadwaynaha iyo hirgelinta nidaamka cusub ee maarayanta geeddi socodka dacwadaaha.
3. In la hirgeliyo waaxyaha maxkamaddu ka kooban tahay, sida madani/ciqaab iwm.) garsoorayaashana loo qaybiyo waaxyahaas, sidoo kale la dhaqan geliyo ku shaqaynta qaab dhismeedka hoose ee kaaliyayaasha maxkamadaha.
4. In guddoomiye kastaaba dhaqan geliyo ku shaqaynta diiwaanada cusub si nidaamkani si dhab ah uga hirgalo maxkamadaha dalka, si uu u xaqiijiyo guddoomiye kastaa In aanay dhicin dacwad iska taalla maxkamadda oo aan balan lahayn.
5. In nidaamkan cusubi soo celiyo kalsoonidii dadwaynuhu ay ku qabeen garsoorka dalka oo u muuqday mid hooseeya.
6. Gudoomiyayaasha maxkamadaha racfaanka ee gobolada waxaa laga rabaa in bil kasta dhamaadkeeda ay soo gudbiyaan war bixin dhamaystiran oo ku saabsan dhaqan gelinta iyo sida uu u shaqeeyay nidaamkan cusub ee maamulka iyo maaraynta geeddi socodka dacwadaha .
7. In maxkamadda sare koormeer joogto ah ku samayso hawl galada iyo isticmaalka maaliyadda maxkamadaha guura, sidoo kale ay M/S ku dadaasho sidii loo heli miisaaniyadda qaybta habeen dhaxayada ee hawl wadeenada maxkamadaha guura
8. Codsi in ay UNDP ka taageerto hagaajinta qaab dhismeedka maxakamadaha iyo in daraasado lagu sameeyo habdhaqanka iyo sharciga
9. In ay UNDP naga taageerto dhinaca dib u habaynta iyo wax ka bedelka shuruucda dalka
10. In ay UNDP sii waddo ama ay kordhiso ka taageerto maxkamadaha ee xagga dhismaha iyo gaadiidka
Allaa Mhad leh
Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com
