W. Warfaafinta oo Bilowday Barnaamijyo ay ku soo bandhigayso suugaantii Gaariye

Hargeysa (Somaliland.Org)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta Md. Abiib Diiriye Nuur iyo Wasiirku xigeenka wasaaradaasi Md. C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa sheegay in wasaaradda warfaafintu samayn doonto wacyigelin yo baroor diiq ay kaga qayb qaadan doonto aaska marxuum abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) oo aas qaran loogu sameyn doono magaalada Hargeysa. Ka dib markii uu habeen hore ku geeriyooday cisbitaal ku yaala magaalada Oslo ee dalka Norway.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta Abiib Diiriye Nuur iyo wasiir ku xigeenka C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo maalintii maanta shir jara’id ku qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta, waxa ay ku shaaciyeen guddi heer qaran ah oo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u magacaabay qaban-qabada aas heer qaran ee loo samayn doono Alle ha naxaristee abwaan Maxamed Xaashi Dhamac, oo ku geeriyooday dalka Norway.

Wasiirka iyo wasiir ku xigeenka warfaafintu waxa kale oo ay ka hadleen kaalinta ay wasaaradda warfaafintu ka qaadan doonto aaskan.

Wasiirka iyo Wasiir Ku xigeenka warfaafintu waxa ay tacsi u direen qoyskii iyo shacabka Somaliland ee uu ka baxay Abwaan Gaariye oo ay ku sifeeyeen inuu ahaa halyay qaran oo ka baxay Somaliland oo dhan.waxaanay tilmaameen inuu ahaa hal doorka hal abuurka Soomaalida oo uu dhaxal wanaagsan iyo suugaan qiimo badan uga tagay jiilasha xiligan ee bulshadda Somaliland..

Dhinaca kale waxa caawa TV-ga iyo Radio Hargeysa qaranku bilaabeen barnaamijyo uu kaga waramayo gabayadii iyo maansooyinkii uu tiriyay Alle ha u naxariistee abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye iyo taariikh nololeedkiisii.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com


TOP