Sarkaal Sare oo Turkiya oo lagu dhaawacay Puntland
Gaalkacyo (Somaliland.Org)- Waxa maanta weerar gaadmo ah lagu qaaday wefti isugu jirey xubno ka tirsan hay’adda dalka Turkiga u qaabilsan gargaarka dibadda (TIKA) iyo qaar kamid ah saraakiisha Booliska Puntland, xilli ay marayeen inta u dhexeysa degmooyinka Gaalkacayo iyo Bacaadweyn ee maamul goboleedka Puntland.
Weerarkan ayaa sida ay saraakiisha Boolisku sheegeen waxa geystey koox mileeshiyo beeleed ah oo ka cadhaysan Isbaaro sharci darro ah oo ay goobta weerarku ka dhacay ku lahaayeen, taasoo ay isla shalay ciidamada Puntland.
Siday faafisay shabakada Hiiraan oo aanu warkan ka soo xiganay Col. Muxiyadiin Axmed Muuse oo ah taliye ku-xigeenka ciidamada Booliska ee Puntland, qaybna ka ahaa wefdigan, ayaa warbaahinta u sheegay in weerarkaas uu ku dhaawacmay sarkaalkii wefdiga Turkiga hogaaminayey islamarkaana ah madaxa TIKA ee Africa Mustafa Hashimi.
Wuxuu intaas ku daray in dhaawaca Hashimi uu yahay mid fudud, iyadoo ay xabaddu kaga dhacday qaybta hoose ee lugta midigta ah.
Taliye Muxiyadiin oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in sidoo kale uu weerarkan ku dhaawacmay mid kamid ah ilaaladiisa, iyadoo dhinaca kale dableyda weerarka soo qaadeyna uu hal nin ka dhintay, labana laga dhaawacay, sadex kalena gacanta lagu soo dhigay.
Dhaawaca Hashimi ayaa lagu dawaynayaa magaalada Gaalkacayo, waxayna qaar kamid ah howl wadeenada caafimaadka Cisbitaalkaasi sheegeen in xaaladiisu wanaagsan tahay oo uu miyir qabo.
Weftigan Turkiga ah oo maalmihii u danbeeyey ku sugnaa Puntland, waxay hordhac u ahaayeen mashaariic horumarineed oo dhowr ah, kuwaasoo ay dowladda Turkigu hore u balan qaaday in ay Puntland ka fulin doonto.
Somaliland.Org/Puntland
