Madaxweyne Siilaanyo oo dhambaal Tacsi ah u diray qoyska Wasiirka daakhiliga

Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaany) ayaa maanta dhambaal tacsi ah u diray qoyska Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Nuur Caraalle (Duur) oo aabihii maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu wuxuu dhambaalkaasi tacsida ah ku sheegay dhambaal tacsi ah oo uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, dhambaalkaasina wuxuu u dhignaa sidan:-

Madaxweynaha JSL, Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida ku timi Aabihii MARXUUM NUUR CARAALE BULAALE, oo maanta ku geeriyooday Magaalada Hargeysa gaar ahaan Cisbitalka Gargar.
Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu tacsi taa la mida u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Qoyskii iyo Asxaabtii, uu ka baxay Marxuumku.
Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

Dhinaca kale waxay Tacsi tan la mid ahi,naga soo gaadhay Shirgudoonka Baarlamanka Somaliland,Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi,Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Mudane Abiib Diiriye Nuur iyo Wasiir Xigeenka Wasaarada Warfaafinta Mudane C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse). IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN