Maamulka Tog-dheer oo Go’aamo laga soo saaray Biyo gelinta Burco

Burco (Somaliland.Org)- Badhasaabka gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayar iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan laamaha Dawlada ee gobolkaasi ayaa maanta ka hadlay shirkado gaar looleeyahay oo magaalada Burco biyo galin ka waday sanadadii u danbeeyay kuwaasi oo ay ugu baaqeen in ay biyogalinta joojiyaan.

Masuuliyiintan ayaa sheegay wakaalada biyaha Burco in ay ku filaatay biyo galinta magaalada isla markaana xukuumad’ahaan aaney aqbalidoonin cid magaalada kula tartanta .

“ Maanta waxaanu halkan kulan kula yeelanay waxgaradka Burco si aanu halkan ugu bayaamino qorshaha siyaasadeed ee biyaha ee Dawladu leedahay ee ay awal hore-ba waday sidaa awgeed biyuhu waa laf dhabarta nolosha mana gali karaan gorgortan ,wakaaladda biyaha Burco waxa ay leedahay go’aan cad oo dhigaaya in aan magaalada cidi kula tartamikarin waxaaney maanta wakaaladu gaadhay heer ay magaalada biyeheedu ku filaadaan markaa sida aynu ka war hayno waxa jirtay laba mawaadin oo biyaha magaalada gashay oo kala ah Al-naafoora iyo Plaza sanadbaana lagu siiyay koontaraag midkastaa in uu biyaha 250-guri galiyo wakhtigaasina xili ayuu ku eekaa wixii la siiyayna way dhaafiyeen.” ayuu Yidhi Cabdoo Aayar waxaanu intaasi ku daray.

Badhasaabka Tog-dheer oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “ Runtii maanta waxaanu halkan ka cadaynaynaa oo aanu leenahay cidkastoo ku hawlan in ay magaalada biyo galiyaan suurtogal in aaney ahayn ,dawladuna aaney aqbalidoonin ,waayo waxa ku filan oo magaalada biyaha galinaysa oo awood dawladeed u leh wakaalada biyaha iyo wasaaradda macdanta iyo biyaha ,wasaarada macdanta iyo biyuhuna waxay go’aan ku gaadhay in ay Burco ka fuliso qorshayaal biyaha magaalada lagu horumarinaayo haday tahay ceelasha biyaha iyo haday tahay tawaangidii kaydka “

Badhasaabka gobolka Togdheer ayaa usoo jeediyay shirkadaha biyo galinta ka wada magaalada Burco in ay ku eekaadaan tiradii ruqsada loo siiyay oo kaliya islamarkaana waxa uu xusay habayaraatee xukuumad’ahaan in aaney aqbalidoonin in ay wakaalada la tartamaan.

Geesta kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay dib u eegis ku samayn-doonaan laba shirkadood oo laydha galiya magaalada Burco oo lagu magacaabo Beder iyo Kaah kuwaasi oo uu sheegay in ay shicibku ka qayliyeen ka dib markii ay heshiis ku gaadheen laydha Burco in ay Kooto ku xidhaan .

Shirkan jaraa’id oo ka dhacay xafiiska maamulka gobolka Togdheer ayaa waxa kale oo ka hadlay Badhasaab Ku xigeenkiisa gobolka Maxamed Maxamuud Yuusuf Ubax iyo isuduwaha wasaaradda iyo macdanta biyaha Burco Rashiid Faarax waxaanu daba socday Kulan ay qaar ka mid ah cuqaasha iyo waxgaradka Burco wada yeesheen oo biyaha magaalada lagaga hadlaayay.

Mahad Faarax Cabdilaahi
Somaliland.Org/Burco