Go’aamo Nabadeed oo beelaha Buuhoodle iyo Qori-lugud ka soo saareen Colaadii Kalshaalle

Kalshaalle (Somaliland.Org)- Ergooyin ka kala socday beelaha bariga Burco iyo Buuhoodle, ayaa shalay kulan ay ku yeesheen deegaanka Kalshaale waxay ka soo saareen go’aamo nabadeed oo lagu sii ambo-qaadayo nabad-gelyo buuxda oo lagu soo dabaalayo ammaanka iyo nabadaynta beelaha deegaankaasi.

Wadahadaladan oo ay isugu yimaadeen labada dhinac waxa ka qeyb galay ergooyin gaadhaya ilaa 70 waxaana go’aamadaasi u dhignaayeen sidan:-

1. In nabad buuxda laga dhaliyo deegaanka iyo weliba kulankani inuu noqdo mid ay labada dhinac ku dhawaaqaan nabad raadin dhaba.

2. In mudada nabad lagu dhalinayaa noqoto muddo 2 bilooda oo ka bilaabanta maanta ( 30/09/2012).

3. In madasha shirku noqoto Qoro-lugud gudaheeda

4. In cidaa falal amaan daro ah ku talaabsata ee labada dhinac inta la gaadhaayo mudadaadi ay arintaasi ku koobnaato cida samaysay, labada dhinacna iska kaashadaan doonaa inay si dadhaba uga hawlagalaan .”

Kulan nabadeedkani waxa uu daba socday qorshihii xukuumadda Somaliland ee ku wajahnaa nabadeynta deegaamada Buuhoodle iyo qorilugud.

Mahad Faarax Cabdilaahi
Somaliland.Org/Burco